Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3194

January 23 2013                                                               Rabicil Awal 11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Sheegay Inay Biyo Ku Filan Heli Doonaan Xaafada Ayaxa Iyo Sh. Cumer Bisha 4aad Ee Sanadkan

Hargeysa, January 24, 2013 (Haatuf) - Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee magaalada Hargeysa Axmed Siyaad Yoonis ayaa ka warbixiyey waxqabadkii sanadkii 2012-kii u qabsoomay Wakaalada Biyaha iyo hawlaha sanadkan cusub ee 2013-ka u qorshaysan ee horumarinta Biyaha caasimada dalka ee Hargeysa oo aanay xaafado ka mid ah Biyuhu gaadhin halka Xaafadaha qaarna ay Biyo yaraani ka jirto. Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in xaafada koofur bari ee magaalada Hargeysa ay dhawaan heli doonaan Biyo ku filan, waxaanu sidoo kale xusay in qorshaha ay ugu jirto in guud ahaanba Hargeysa ay Biyaha gaadhsiin doonaan.

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis ugu horeyn wuxuu ka warbixiyey waxqabadkii wakaalada ee sanadkii 2012, waxaanu yidhi “waxyaabihii ugu waaweynaa ee sanadkii ina dhaafay laga xusi karo waxaa k mid ah waxaanu soo iibsanay saddex mishiin oo waaweyn oo laba ka mid ahi yihiin 500kb midna uu yahay 350kb waxaanu dayrar ku xidhnay labada Barkadood ee Barkada Ingiriiska la yidhaahdo oo dhibaato badani ka taagnayd, dhulkeeda barkadaa oo aan dayr lahayn oo maalin walba qof lahaa halkani waa dhulkaygii” Mareeyuhu waxa kale uu ka hadlay dhismeyaasha Wakaalada Biyaha ee magaalada Hargeysa waxaanu yidhiv “waxaanu dhisnay xafiisyo waaweyn oo ilaa musqulahoodii wata oo aanu ugu talo galay masharuucii midawga Yurub oo bilaabmaya Engineerada iyo Farsamo yaqaanadu inay fadhiistaan oo horaanu xadhiga uga jarnay, Geed deeble halka ceelasha uu kaamku ku yaalo waxay u dhawdahay dooxa haduu roob wayni yimaado waxa khatar ku jira inuu daadku ku dhufto kaamka quustarada Biyaha riixaana waxay ku jiraan dhulka hoostiisa, markaa waxaa khatar ku jirtay in inta yar ee maanta magaalada timaadana la waayo halkaana waxaanu ku xidhnay gidaar ah 400m oo dherera iyo 350m oo balaca”. Maareeyuhu wuxuu sheegay inay Hay’ada UNDP gacan ka gaysatay talaabooyinka ay wakaaladu hore u qaaday isagoo xusay inay gaadiidka wakaalada u sameeyeen midabka buluuga, kaasoo uu sheegay inuu yahay midab caalamka looga aqoonsan yahay biyaha, wuxuuna intaa ku daray in qorshaha wakalada ee sanadkan ay ugu horeyso inay biyo helaan seddex xaafadood ee koonfur bari ee magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “xarafbaanu ka ibilawnay mashruuc weyn  dhawaana aanu dhagax dhigidoono oo hawshaasi sifiican bay noogu socotaa waxanaanan rajaynayaa sanadkan intayna badhtan kiisa gaadhin inuu dhamaado waayo xaraf iyo halka aanu biyaha keenayno ayaa iku dhaw markaa barkad baa lagu shubayaa kadib beeb wayn baa la soo dhiga yaa oo xaraf ka soo bilaabmayaha ilaa labad xaafadood ee ayaxa iyo sheikh cumar saddexdaa xaafadood ee koonfur galbeed ee Hargeysa ku yaala waxaanu keeni doonaa biyo fiican oo aad u jaban, waqti badana qaadan mayso ee bisha April ayuu dhamaystirmi doona”.

Mareeyuhu isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaa isaguna bilaabmay mashruucii waynaa ee midawga Yurub oo ah mashruuc aad u fara badan oo lacag badan 21 milyan iyo 300,000 oo dollar ay ku baxayaan dhuun weyn 24inj ayaa laga keenayaa Geed Deeble  oo Hargeysa la keenayaa 4 Ceen oo cusub baa laga qodayaa Geeddeeble iyo horahaadlay meel la yidhaa oo udhaw, baraago cusubna waa la samaynayaa mashruucasina wuu bilaabmay oo socdaa mashruucaana waxaa ku guulaystay nin ingiriisa oo aqoon badan u leh oo 15 kasoo shaqanayey shaqadiina wuu bilaabay oo Hargeysa ayuu maanta nala joogaa” Gaba gabadii sheegay inay in mashruucaasi ay maamuli doonto Hay’ada Habitat inta uu socdo oo ah mudo seddex sano ah siduu maareeyuhu sheegay markuu dhamaadana ay guud ahaan xaafada magaalda Hargeysi heli doonaan biyo ku filan.