Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3194

January 23 2013                                                               Rabicil Awal 11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xeerka Takaaliifta Madaarada: Dulmi iyo Dulsaar

Qalinka: Hamse Mohamed (Rantiisi)

Axamdulilahi Calaa kuli xaal!  Hadii Eebe ii ogolaado waxa aan dulmar ku samayn doonaa xeerka takaaliifta madaarada ee dowlada Siilaanyo u soo gudbisay Golaha wakiilada.

Xeerka takaaliifta madaaarada oo gadh-wadeen ka tahay xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ka dhoofaya ama ka soo dagaya madaarada dalka waajib kaga dhigaya in lacag cashuur ah oo dhan $10 laga qaado.

Xeerkan qabyo qoraalka ee xukuumadu ay soo curisay oo ka kooban sagaal qodob, ayaa lagu abuuray hay’ad cusub oo lagu magacaabo hay’ada duulista hawada Somaliland (Somaliland Civil Aviation Authority (SCAA) oo loo xilsaaray maamulka iyo maaraynta duulimaadyada Somaliland.

Qaar ka mida ah qodobada xeerka takaaliifta ee Wasaarada duulista hawadu dabada ka riixeyso si loogu sharciyeeyo ayaa  dhigaya sida tan:

1.       Qodobka 4-aad ee xeerkan ayaa dhigaya “Waxaa ku waajiba dhoofe kasta oo sita tikidh diyaaradeed, isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo takaaliifta lacageed oo dhan $10”

2.       Qodobka 5-aad ayaa isagana lagu sheegay abuurida hay’ad cusub oo lagu magacaabo hay’ada duulista hawada Somaliland (Somaliland Civil Aviation Authority (SCAA) oo loo xilsaaray maamulka iyo maaraynta duulimaadyada Somaliland, iyo sidoo kale gacan ku haynta adeegyada iyo ururinta takaaliifta.

3.       Qodobka 6-aad ayaa ku tacaluqa ururinta iyo qaab xisaabeedka takaaliifta oo lagu sheegay in loo raacayo xeerarka maaliyada dalka, oo aan ilaa hada la samaynin, iyadoo bixinta kharashadkaasi iyo jaangoyntooda awood siman loogu siiyay wasaaradaha maaliyada, duulista hawada iyo shirkad aan magaceeda la sheegin, balse lagu sheegay shirkada gacanta ku haysa lacagtaasi.

4.       Qodobka 8-aad ee xeerkan ayaa awood loogu siiyay wasiirka duulista hawada inuu soo saari karo xeer nidaamiye, balse aan lagu faahfaahinin nooca uu noqon doono xeer nidaamiyahaasi iyo heerka maamul ahaan uu gaadhsiisnaan doono.

Faalaynta Qodobadan:

Qodobka 4-aad ee xeerkani waxa uu waajib kaga dhigayaa dhoofe/dage kasta in uu bixiyo lacag lagu sheegay in ay takaaliif tahay oo dhan $ 10.

Sida laga warqabo lacagtan $ 10 ah waxa isticmaala wasaarada duulista hawada iyo hay’ada Nasha, iyada oon la garanayn meesha ay ku dhacdo lacagtaasi, maadamaa ay garab marto khasnada dowlada.

Qodobka 5-aad waxa lagu sheegay in hay’ad cusub lagu magacaabay (Somaliland Civil Aviation Authority (SCAA) oo loo xilsaaray maamulka iyo maaraynta duulimaadyada Somaliland.

Haddaba Hadii hay’adani loo xilsaaro shaqada maamul iyo duulimaadyeed ee hawada Somaliland, maxay qabanaysaa wasaaradii duulista hawada ee Qaranka xilkani ugu magacawnayd? Bal Adba!

Qodobka 6-aad  ayaa lagu sheegay qaab xisaabeedka takaaliifta iyo hababka loo raaacayo xeerarka maaliyada dalka.

Sida aynu ognahay dalkeenu ma laha xeerar maaliyadeed oo la sameeyay, bixinta kharashaadka iyo jaangoyntoodana waxa awood siman loogu siiyay wasaaradaha maaliyada iyo duulista (Eeg qod. 6aad). Haddaba laba arimood waa in la kala cadeeyaa marka qodobkan 6aad laga hadlayo, waa ta koowaade Hadii lacagtan baarlamaanku ansixiyo ma ku dhacaysa sida sharcigu dhigayo miisaaniyada Qaranka? Mise sidii awalba hore u dhici jirtay ayay Wasaarada duulista iyo hay’ada Nasha jeebka iskaga shuban doonaan? Bal Adba!

Qodobka 8-aad ee xeerkan ayaa awood loogu siiyay wasiirka duulista hawada inuu soo saari karo xeer nidaamiye( Eeg qod. 8-aad).

Qodobkani laguma  faahfaahinin nooca uu noqon doono xeer nidaamiyahaasi iyo heerka maamul ahaan uu gaadhsiisnaan doono, Hadii aanu madmadow iyo macne kale ku jirin maxaa loogu qeexi waayay oo loo cadayn waayay nooca uu noqon doono xeerka wasiirka awooda loogu siiyay in uu soo saari karo?

Gebo-gebo:

Xeerkan Takaaliifta Madaarada ee dowladu soo saartay ayaan lagu cadaynin dhaqaalaha ka soo xerooda lacagta $10 ee laga qaado dadka ka dhoofaya madaarada in miisaaniyada iyo qasnada dawlada ay ku soo dhacayso dakhliga ka soo xerooda lacagahaasi, oo muddo dheer  lagu eedaynayay in ay musuqmaasuqayeen wasiirka duulista hawada iyo shirkada Nasha, taasoo ilaa hada aan la ogayn boqolaalka kun ee dollar ee ka soo xerooday lacagahaasi $10 ee la qaadayay halka lagu isticmaalay, maadaama aanay ku jirin saddexdii miisaaniyadood ee ugu dambeeyay 2011, 2012 iyo 2013-ka.

Hadaba waa in lacagtaasi $10 ahi ku dhacdaa khasnada dowlada si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda dalka. Golaha wakiilada oo iyagu awood distoori ah u leh dajinta iyo wax ka badalka shuruucda maaliyada ayaa iyagu ku guuldaraystay inay sameeyaan xeerkii guud ee maaliyada dalka ee loo raaci lahaa hay’adaha ku shaqada leh dakhliyada soo xerooda iyo nidaamka loo raacayo tacriifadaha, taas oo distoorku dhigayo in xeer qeexi doono habka loo dajinayo shurucda maaliyada.

Qalinka: Hamse Haaji Mohamed (Rantiisi)