|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Caynba-Cayn Qore: C/Naasir Dheeg Ciise (Q/16aad) INDHO-SARCAAD (Q/1aad) Humaaga idhihiisa loo sawiray iyo hadallo in badan dhegihiisa ku soo noqonoqday ayaa ku dhaliyey inuu u hanqal taago hoobaan uu holoc ka sokeeyo. Habeen jimce soo gelaayo, ayaa uu la kulmay saaxiibkii Cali oo ay fadhiga labaad ee jaadka loona yaqaano “kaboolaynta” ugu ambo baxeen duckaankii Yuusuf oo ku yaala xaafadda Jig-jiga yare e magaalada Hargeysa. Markii cagtu go’day, habeenkana uu badh tegey ayay albaabka hoosta ka xidheen oo xifaale iyo haasaawe guudna la isla dhaafay. Midba waxa uu soo bandhigay halloosiga iyo hamiga addun ee uu mudaba ku hiyi faaloonaayey, ugu horrayn waxa ibo furkii hadalka hagoogta ka qaaday ninkii martida loo ahaa “Alle mahaddii weeyaan kol haddii caawa oo aan tilmaan u baahnaa ii timaadeen”. Labo sannaba qalfoofkayga mooyee qalbigaygu ma joogin. Waxa uu ka sheekeeyey Geedi oo afar sanno ka hor heddiisa oo baaqi ahayd hadimooyin baddan kadib, Yurub galay, waxa uu tilmaamay aqal dhawaan faraha laga qaaday oo uu soo dhistay, heblaayo hawada looga meheriyey iyo hebello uu maalin dagaal Dahabshiil u soo dhigay. Isagoo hilmaamay saddexdii meydkooda haada looga talaabsaday iyo Alla u naxariisaygii badweynta doonidu kula haligantay ee ay Hargeysa iska raaceen Geedi Ducaankii Cammirnaa Wixii Duunyo uu haystay Biilashii dad u yaalay Deyntii ay cid lahayd Iyo hantidii dad lahaaba Inay diyaar u yihiinoo Dalkana uu kaga dhoofoo Loo tilmaamo dariiquu Go’aankii u dambeeyey Soo daliishaday Yuusuf Gulleed oo beryahaaba warka keliya ee maraa kaasi ahaa, ayaa ku diirsaday arrintaa afka Yuusuf ka soo yeedhay. Xaaladdiisu waxay noqotay “meel aan rabay roob ma igu eryey” Guuleed ma laba labayne talada Yuusuf inta uu guddoonsaday ayuu garashadiisii mahadshay. Waxa uu intaa raaciyey in beryahanba ay ka go’anayd in uu tacabiro cid uu garanayana raadsado si ay u rubad go’a iyo raafdillaacaba u wadaagaan, Guuleed waxa uu ka dhashay qoys ladan oo aqallo dhisme ah oo kiraysan iyo dhaqaale nololeedba Illaahy ugu deeqay. Intii uu dugsiga dhexe iyo sare ku jirayba jeebadaha waa loo buuxin jiray, “Belaayo kac guur ama guurso ayay ku tidhaa” jaamacadihii dalka waa loogu taag waayey, hamigiisana waxa biyo dhigay dhalanteedka uu dhalinyarada la qabo.labo sanno hortood ayaa uu aabihii iishay, carruutana inta dalka joogta isagaa u weynaa, Hooyadii huga dumarka oo Dubay looga soo dejiyo ayay meherd u sharaxatay. Guryha kiradooda oo masuul looga dhigay sida uu u qorsheeyo weli laguma qabsan, arrad iyo adduun wixii uu u baahdo tii cid ugu mudnayd ayaa u nool oo maya laguma soo celiyo, belwedahay da’yartii aafeeyey raad weyn kuma yeelan ee lixdii bilood ee uu dugsiga sare dhamaystay ayuu asxaabtiis qaar khamiista kula mijilisaa. Tallo waa mar aad garanweydo iyo mar aad gaadhi weydo ee ganacsi haddii uu doono in loo sameeyo diyaar ayaa loo la ahaa, hase yeeshee deeqdii dalkiisu duunyo way u noqon weyday, waanadii adeer iyo abtiba ay u soo jeediyeen waxay noqotay “ Hal bacaad lagu lisay” - “Nin meeli u cadahay meeli ka madow” ee waxa uu noqday – “ Tallo ma yeele, Tiisa ma mahadshe, Ta uu falaaba ku qabsatay”. Dhalintii geyiga iyo Immisaa geyaankii Geri-go’an cidlaa’iyo Giriyaad saxaaraha Inta luunku gawracay Ay dubatay gaajadu!! Immisaa mas iyo good Gaadiyo libaaxiyo Bahaluhu ku guuseen Immisaa gashaantimo Gabdho dhaban lahaa’iyo Gadh-madoobe iyo dumar U galleen cadaawaha Guudka aadmi uga eeg Inta geeri iyo nolol Goob ay ku suganyihiin Maanta geesna loo tirin Geedaha ka tiro badan Inta qaar god lagu xidhay Loo gaday dhulkoodii La soco……………………………... |