|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Sharjah Oo Go’aansatay In Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Dalkaasi Lagu Daro Maadada Naas-Nuujinta Caruurta Golaha Waxbarashada Sharjah (SEC) iyo urur u ololeeya Caruurta oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa SBFEC ayaa kulan heer sare ah oo ay yeesheen waxa ay isla qaateen in manhajka waxbarashada dalkaasi ee dugsiyada Hoose/Dhexe iyo kuwa sare lagu daro maado Ardayda lagu barayo faa’iidada Naasnuujinta Caruurtu leedahay. Qorshahan ayaa waxa ku jira in Naasnuujintu ay faa’iido balaadhan ay leedahay oo ay ka mid noqoto qorshaha istaraatajiyada 2013-2015-ka. Waxaanay kor u qaadi doontaa wacyigalinta ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare inay ku koraan iyaga oo si xoogan u fahamsan faa’iidada Naasnuujintu leedahay oo ay ku jiraan mid Caafimaad, Dareen ahaan iyo mid dhaqan dhaqaaleba. Qodobada ugu waaweyn Qorshan ayaa lagu heshiiyay in mustaqbalka kor loogu qaado Seminaro iyo aqoon kordhino kale si loo fidiyo wacyigalinta Qorshahan, isla markaana taageero buuxda loo siiyo qorshaha Naasnuujinta ee 2013-15, taas oo toosh ku shidaysa sida Emaradu ay diyaar ugu tahay inay hogaamiso Arinta tan ee Gobolka iyo Aduunkaba. Dr Hessa Khalfan Al Ghazal, oo ah Madaxa Guddida SBFEC, ayaa yidhi “Wadamo kooban ayaa xooga saara muhiimada Naasnuujinta ee Haweenku ay Naaska siiyaan Marka ay Dhalaan Caruurta. Iyagoo marxaladaasi ay dumarku go’aansadaan inay caruurta Siiyaan Caano aan dabiici ahayn. Sidaa darteed wakhtiga hore waa in aanu ardayda barnaa faa’iidada, taas oo noqon doonta fursad sare oo ay ku barbaaraan in marka ay hooyada noqdaan ay caruurtooda Naaska Jaqsiiyaan. |