|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Nin Saaxiibadii Ka Soo Tuuray Dabaq Kadib Markii Xaaskiisu Soo Garaacday Guri Uu Kula Haasaawayey Nin u dhashay Morocco oo gurigiisa kula haasaawayey gabadh uu saaxiib la yahay ayaa markii ay soo garaacday Albaabka guriga haweenaydii uu qabay ay la soo gudboonaatay inuu kala doorto inuu u badheedho oo uu albaabka ka furo gabadha uu qabo isaga oo ay la joogto Saaxiibadii iyo inuu daaqada dabaqa ka tuuro ayaa go’aansaday inuu Saaxiibadii ka tuuro Daaqada. Sida uu ku waramay Wargeys ka soo baxa Magaalada Galbeedka dalkaasi ku taala ee Casabalanca. Wargeyskaas oo mar uu soo xiganayey Bileyska sheegay “Waxa uu ka tuuray Gabadha daaqada kadib markii Xaaskiisu guriga ku soo noqotay ee ay albaabka soo garaacday. “Inanta oo 17 jir ahayd, may soo gaadhin wax dhaawac khatar ahi markii ay ku dhacday dhulka, waxaana wax u tartay shandad ay dhabarka ku sidatay, waxaanay ku dhacday gidaar iyada oo shoog haysto. Waxaana dhaawac yari ka soo gaadhay madaxa oo loogu qaaday Cusbitaal”. Wargeysku muu sheegin Magacyadooda. |