|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ashley Cole Oo Si Rasmi Ah Qalinka Ugu Duugay Heshiis Cusub Uu U Kordhiyay Chelsea Daafaca bidix ee England Ashley Cole ayaa si rasmi ah qalinka ku duugay heshiis hal sanno ah oo uu ku sii joogay kooxda Chelsea. Qandaraaska Cole ayaa dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu ka tagayo kooxda, laakiin haatan waxa uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo hal sanno ah. “Waan ku faraxsanahay inan xilli ciyaareedkeygii 8aad la sii joogi doono Chelsea” ayuu yiri Cole ka dib markii uu heshiiska saxiixay. “Xusuus weyn ayaan halkaan ku heystaa, waana ku riyaaqaa inaan maalin walba tababarka imaado. Shaqaalaha waa kuwa caiib ah, waana ku riyaaqaa inaan asxaabteyda la tababarto.” 32 jirkaan ayaa lala xiriirinayay kooxo sida Real Madrid iyo Paris St Gemain. Cole ayaa ahaa mid ay jecel yihiin taageerayaasha Chelsea tan iyo maalintii uu kaga soo biiray Arsenal 2006dii, waxaana uu Chelsea la qaaday Champions League, hal Premier League iyo afar FA Cup. |