|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Real Iyo Milan Oo Lagu Waramay In Mar Kale Ka Arinsanayaan Kaka Milan ayaa weli rajo ka leh in ay dib u soo ceshtaan xidigoodii hore ee Kaka xillgaan oo lagu guda jiro suuqa kala wareega ciyaartooyda iyadoo haatan ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya labada koox si ay u gaaaraan hishiis wada qanciya .Milan ayaa furtay wadahadalada Kaka ay ku doonayaan bilaawgii bishaan balse madaxa Milan Adriano Galliani ayaa sheegay waqti hore oo saaka ah in wadahadaladii socday ay fashil ku dhamaadeen. Sidaa oo ay tahay waxaa haatan soconaya wadahadalada labada koox iyadoo Milan ay ka go`an tahay in Kaka helaan xilli ciyaareedkaan socda . Labada dhinac ayaa horay isugu af gartay in Kaka 24-bil qaab amaah ah uu ugu ciyaaro Milan xilli horay Milan doonayeen in toos ula wareegaan laacibkaas illaa iyo sanadka 2015-ka halka Real-na ay kaga dhaganeyd in 18- bil siiyaan laacibkaasi . Wadahadalada ayaa istaagay ka dib markii Real ay dalbadeen 7-milyan oo euro si ay ugu bixiyaan canshuuraha laacibka taas oo ay Milan ka madax gil gileen, waxaana haatan la tibaaxayaa in Milan ay rajo ka leeyihiin in xal dhex dhaxaad helaan ka hor inta uusan suuqa xermin . |