Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3195

January 24 2013                                                               Rabicil Awal 12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddi Dawlada Britain U Saartay Qaadka Dalkaasi Lagu Cuno Oo Ku Taliyey Inaan UK Laga Joojin, Meeshana Ka Saaray In Lacagta Laga Helo Lagu Maalgaliyo Argagixisada

Ku Dhawaad 2,560 ton Oo Qaad Ah Ayaa Loo Dhoofiyey Britain Sanadkii La Soo Dhaafay, Waxaana Dalkaasi Dakhi Ahaan Qaadka Uga Soo Xarooday £2.8 Million

London, January 24, 2013 (Haatuf) - Guddi dawlada Britain u saartay inay ka soo talo bixiyaan in la joojiyo Qaadka Dalkaasi loo iibgeeyo iyo in kale, ayaa ku taliyey in aan Britain laga joojin Qaadka. Gudidan ka tala bixinta si xun u isticmaalka Mukhaadaraadka (ACMD) ayaa sheegay in aan wax cadayn ah loo haynin in dhibaato Caafimaad uu leeyahay Qaadku kadib markii ay baadhitaano sameeyeen, waxaanay intaasi ku dareen in aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Qaadka iyo Kooxaha Argagixisada ee Geeska Afrika oo dawlada Britain ay ka cabsi qabtay in kooxahaasi ay Lacago ka helaan Ganacsiga Qaadka ee dalkeeda loo dhoofiyo.

Prof. Les Iversen oo hogaaminayey Guddidan ayaa sheegay in baadhitaan balaadhan oo la sameeyey lagu heli waayey in Qaadku uu Caafimaad ahaan bulshada waxyeelo u geysto si looga joojiyo dalkan UK, sidaa darteedna markii guddidu ay dhagaysatay Bulshada ay walaac ka muujiyeen in la joojiyo Qaadka dalka Britain lagu cuno. Warbixinta gudidan oo ay ka soo saareen talooyin dhawr ayaa sheegay (1) Maqaamka sharciga ah ee Qaadka maaha in la badalo, mana aha in la hoos keeno xeerka si xun u isticmaalka daroogada.

2. Wasaarada caafimaadka ee dalkani waa inay qaadka ku dartaa waxyaabaha deegaanka looga baahan yahay, Madaxda degmooyinka, Bileyska iyo hay’adaha ka hor taga dambiyadu waa inay la macaamilaan bulshooyinka iyagoo adeegsanaya tasiilaadka la heli karo si wax looga qabto wixii walwal ah ee laga qabo isticmaalka Qaadka inay keenayso dhibato bulsho.

3. Qaadka waa in lagu daro waxyaabaha laga bogsan karo, isla markaana hay’adaha sharci fulinta ee adeegyada caafimaadka dadweynaha, kuwa cadaalada, booliska iyo kuwa ka hortaga dambiyadu ay sameeyaan aasaaska wixii cilmi baadhisa ee Mustaqbalka laga samaynayo.

Dalka Britain oo qaadka ugu badan uu uga yimaado dalka Kenya ayaa la sheegay in dalkaasi sanadkii ugu dambeeyey loo dhoofiyey Ku dhawaad 2,560 ton Oo Qaad, isla markaana ay ka soo galeen Dakhli dhan £2.8 Million oo uu cashuur ahaan uga qaaday Qaadka dalkiisa la soo galiyo.

Dadka ugu badan ee Qaadka ku cuna dalka Britain ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan dalalka Somalia, Ethiopia, Yemen iyo Kenya.