Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3195

January 24 2013                                                               Rabicil Awal 12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirka Ganacsiga Iyo Maareeyahay Haamaha Shidaalka Berbera Oo Siyaabo Kala-Duwan Uga Hadlay Markab Shidaal Siday Oo Berbera Laga Celiyey

Hargeysa, January 24, 2013 (Haatuf) - Wasiirka Wasarada Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaaliland C/risaaq  Khaliif Axmed ayaa sheegay in Xukumaddu amartey Isniintii todobaadkii hore in dib loo celiyo Markab siday shidaal badan oo ay dalka keeneen ganacsato reer Somaliland ah, kaas oo uu dib u celintiisa ku sababeeyey tayadiisa oo uu sheegay inaanay wanaagsaneyn.

Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaradiisu ay baadhitaan ku samaysay Shidaalkaas oo ay markii dambe ogaadeen inaanay tayadiisu wanaagsanayn oo ay uga baqeen inuu dhibaato gaadhsiiyo baabuurta iyo Warshadaha Laydha iyo waxkasta oo ku shaqeeya Shidaalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed waxa uu sidaas ku sheegay Shir-jaraa’id oo shalay ku qabtay Xafiiskiisa oo uu kaga jawaabayey sababta dib loogu celiyey shidaalkaas. Sidoo kale Wasiirka ayaa mar la waydiiyey waxa ay ku cadaynkaraan in shidaalkaasi aanu tayo fiicnayn ayaa waxa uu ku dooday inay Wasaaradiisu ay Shidaalkaasi u dirtey Shaybaadhada Caalamka mid ka mid ah oo aanu xusin, taasina ay u cuskadeen joojinta shidaalka Markabkaas saarnaa. Wasiir C/risaaq isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Todobaadkii hore dhamaadkiisi wax dalka yimid  markab siday shiidaal oo ku soo xidhay dekadda Magaalada Berbera, marka  sida caadada inoo ahayd  waxaanu u diray baadhistii loo diri jiray oo dalka dibadiisa loo diri jiray si loo hubiyo in tayada shiidalku ay wanagsan tahay, jawaabtii ka soo noqotay shiidalkaasina waxay noqotay  in aanu tayada shiidalkasi waafaqsanayn heerkii lagu eegi jiray tayada shiidalka dalka soo gala oo uu noqday mid liita, runtii shiidalka waxaynu u baadhna saddex iyo tobon nooc, marka saddex ka mid ah ayuu noqon wayey, sidasi daradeed markii aanu eegnay in heeshiiskii ay wada galeen wasarada ganacsiga iyo ganacsatadu in shuruudihii aanu u dhignay aanay buuxinin ayaanu go’aansanay in dib loo celiyo, markabkiina sidaasi ayuu ku noqday, runtii ganacsatadii shiidalka lahaydna  way nala qaateen in dib loo celiyo”.

Dhinaca kale Maareeyahay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Md Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine) oo isaguna mar uu warbaahinta Berbera uga waramay sababaha loo celiyey Markabkaas Shidaalka siday ayaa isagu ka waramay dhiniciisa sababta Markabkaas dib loogu celiyey, kaas oo sheegay inuu tayada Shidaalka Markabkaas saarnaa aanay iyagu baadhin balse ay ku ogaadeen Shaybaad yaala dalka Djibouti, taas badelkeedana gabi-ahaanba la joojiyey Shidaalkaas, isaga oo arimahaas ka hadlayana Maareeyuhu waxa uu yidhi “Markabkaasi shidaal buu siday naafato ah, waxaanu ka yimid magaalada Dubai, waxaana lahayd shirkadihii awalba keeni jiray mid ka mid ah, waxa caado ah in aanu Djibouti u dirno calaamad si loogu soo baadho shaybaadh tayada shidaalka maadaama aynaan haysan qalabka lagu baadho shidaalka”. Waxa kale oo uu maareeye Shiine intaasi ku daray in ka dib markii ay ogaadeen in aanu shidaalkaasi wanaagsanayn ay go’aan sadeen in lagu celiyo halkii markii hore laga keenay “Dabadeedna shaybaadhka Jabuuti oo ah Ingiriis ayaa soo sheegay in aanay tayadiisu fiicnayn, sidaas ayaana lagu celiyaya”.

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Md Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), waxa kale oo uu sheegay in markabka shidaalkaasi siday laga lahaa dalka isu-taga Imaaraadka carabta halka shidaalka uu sidayna ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ah, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Imaaraadka ayaa laga lahaa, shidaalkana waxaa lahaa ganacsato reer Somaliland ah”.