Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3195

January 24 2013                                                               Rabicil Awal 12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xukuumada Oo Ku Fashilantay Inay Xakamayso Qiimaha Maceeshada Ee Cirka Isku Shareeray Iyo Qoysaska Danyarta Oo Saamayn Ay Ku Yeelatay

Hargeysa, January 24, 2013 (Haatuf) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku guuldaraysatay inay wax ka qabato qiimaha sarifka lacagta dollarka iyo qiimaha maceeshada ee cirka isku shareeray, taas oo qoysaska danyarta ah ay saamayn ku yeelatay noloshooda. Qiimaha lagu iibiyo maceeshada oo kolba inta qiimaha ay doonaan ganacsatadu ku iibiyaan badeecadaha daruuriga ah ee dibadaha ay ka soo waaridaan, ayaanay awoodin qoysaska danyarta ahi qiimaha ay ku iibinayaan ganacsatadu ee isbadbadalka badan kaga ganacsada raashinka daruuriga ah, taas oo ay saamayn ku sii yeelatay in markasta oo xukuumadu cashuur kordhin ku samaysa-ba ay ganacsataduna badeecadahaasi dibadaha ay soo waaridaan qiimaha ay ku iibinayaan ay ku kordhiyaan bulshada.

Qoysaska danyarta ee ku nool xaafadaha kala duwan ee caasimada Hargeysa ayaa qiimaha cirka isku shareeray samayn ku yeeshay nolol maalmeedkooda oo ay ka jirta in saddexda wakhti ee wax la quuto inay wakhti kaliya dhariga shitaan, ka dib markii ay waayeen hoos u dhac ku yimaada qiimaha maceeshada. Wakhtigan xaadirka ah ayaa qoysaska danyarta ah waxaa soo waajahay duruco adag oo la xidhiidha noloshooda, taas oo keentay in bulshada reer Somaliland ay u kala qaybsamaan saddex qaybood qaar badhaadhay, qaar busaarad la il-daran iyo kuwo iskaga haajiray dal-ba. Dhinaca kale wasaarada ganacsiga ayaan wax talaabo ah ka qaadin waajibaadkii saarnaa ee hawlaha ganacsiga ee ay u xilsaaran tahay inay wax ka qabato qiimahada marba marka ka dambeeya hawada isku shareeraya ee badeecadaha kala duwan, taas oo lagu dhaliilo inaanay waxba ka qabanin inay xakamayso.