Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3195

January 24 2013                                                               Rabicil Awal 12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xildhibaan Dogox Oo Dib U Dhaca Ciyaaraha Goboladda Sabab Uga Dhigay Xil-Gudasho La’aan Uu Ku Eedeeyey Xukuumada

Hargeysa, January 24, 2013 (Haatuf) – Xildhibaan Saleebaan Cabdillaahi Daahir (Dogox) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey inay Ciyaarihii gobolada u qabanwayday Xil-gudasho la’aan baahsan oo uu sheegay inay ka jirto xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Xildhibaan Dogox ayaa xaaladda wakhtigan dalka ka taagan la Mataaneeyey tii Cahdigii Taliskii Siyaad Barre sii burburaysay, kaas oo xusay inay talaabooyinkii 1988-kii uu Taliskaas dhiigyo cabka ahi samayn jiray inay xukuumadda Xisbiga Kulmiye wakhtigan wadadeedii ku joogto. Xildhibaan Saleebaan C/laahi Dogox waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey Munaasibad Ciyaartoyga gobolka Hawd lagu gudoonsiinayey, taas oo ka dhacday Hutelka Crown ee Magaaladda Hargeysa. ugu horayna Xildhibaanku isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Kol hadii la yidhi Siyaasad yaan laga hadlin wax badan ka odhan maayo laakiin waxaan jeclaan lahaa in Ciyaaraha goboladu qabsoomaan bisha 6-aad ee loo qoondeeyey oo aan la siyaasadaynin Ciyaaraha, dawladdana waxa aan leeyahay meesha marka aad rabtaan inaad Ciyaaro ka qabataan waa inaad horta Nabadgalyadeeda sugtaan, marka aad xilkaas ku saaran ka soo baxdo ayaa ilaalinta Nabadgalyada wixii kaga beegan dadka Magaalada ama Xaafada Garoonku ku yaalaana waxa ku xidhanina ay noqon doontaa mid sugan, laakiin iyada oo aanay Nabadgalyadii xumayn hadana aad tidhaahdo meeshii Ciyaarbaan ku qabanayaa wax meesha qabta maaha”. Xildhibaan Dogox mar uu ka hadlayey wakhtigii ay dawladii Siyaad Barre sii burburaysay wixii dhacay, waxa uu yidhi “Siyaad Barre ayaa markii ayaa markii ay dawladiisii sii dhacaysay ee ay Xabadu ka dhacaysay Hargeysa ayaa la yidhi Ciyaarihii gobolada ayaa Muqdisho ka socda, markaa tii oo kale yaanay noqonin ayaan leeyahay, isla markaana waxaan odhan lahaa marka hore Nabadgalyada ha la sugo. Dadkaasi waa kuwii shalay xabada lala dhacayey, markaa aniguna foolxumo ayaan u arkaa oo maaha in Nabadgalyada iyo Ciyaaraha la is hoos galiyo”.