Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3195

January 24 2013                                                               Rabicil Awal 12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maayarka Hargeysa Oo Soo Bandhigay Hawlaha Boqolka Maalmood Ee U Horeeya Xilkooda U Qorshaysan

Hargeysa, January 24, 2013 (Haatuf) - Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid ayaa ka hadlay qorshaha wax-qabadka 100-ka maalmood ee ugu horeeya golahooda deegaanka ee cusub u qorshaysan inay qabtaan, kaas oo uu xusay in habsami u fulinta qorshahaasina ay ku xidhnaan doonto hadba dakhliga soo gala iyo sida ay dadweynuhu u bixiyaan cashuuraha ku waajibay. Eng Yuusuf Warsame waxa uu sidaas ku sheegay mar uu u waramayey Warbaahinta dawladda, kaas oo carabaabay in Xildhibaanada golaha deegaanka loo qaybiyey guddi hawl-leedyo kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, Guddiga dhulka, guddiga caafimaadka iyo guddiga bulshada, waxaanu intaasi ku daray inay tahay tallaabo sah-laysa xil-gudashada howl-maalmeedka mudayaasha golaha deegaanka ee Caasimada. Sidoo kale Duqa caasimada Eng. Yusuf Warsame Siciid, wuxuu sheegay, in qorshayaasha uu doonayo inuu fuliyo boqolka maalmood ee ugu horeeya hawl-gudashadooda ay ka mid tahay sidii looga caawin lahaa taraafikada culayska sax-madda magaalada , waxaanu xusay in qorshahoodu yahay sidii loo dhamays tiri lahaa Jidka boqol iyo kontonka ee caasimada si loo yareeyo Sax-mada gaadiidka ee magaalada gudaheeda.

Duqu waxa uu intaa ku daray in Golahooda ay ku jiraan Rag badan oo dhalin yaro ah oo shaqadana aqoon wanaagsan u leh, doonayana inay umnadooda u adeegaan. Waxaanu tilmaamay inuu u arko hawlaha miisaanka leh ee bulshadu uga fadhido golahooda. Dhinaca kale Yusuf Warsame Siciid, waxa uu tafaasiil ka bixiyey maamulkii shaqo ee ay la wareegeen, waxaanuu xusay inay dedaalayeen,waxna ay qabteen, hase ahaatee waxa uu sheegay in ay la kulmeen godaloolooyin dhinaca maamulka ah, taas oo mudadii ay hadda joogeen ay ku jireen habaynteeda.