|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3195 |
January 24 2013 Rabicil Awal 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Kulan Lagaga Hadlayay Taariikhda Faca-Weyn Ee S/Land Iyo Maraykanku Inuu Wax Ka Barto Sooyaalka Dalkani Ku Caanbaxay Oo Lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa, January 24, 2013 (Haatuf) – Kulan lagaga hadlayey Sooyaalka tariikheed ee dalkan Somaliland ku caanbaxay, kulankaasi oo shalay ka dhacay Hotelka Summer time ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahano, waxgarad, ardayda Jaamacadaha iyo marti sharaf, ayaa lagaga hadlay Sooyaalka taariikheed ee dalkan Somaliland uu ku caanbaxday iyo marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, ayaa waxa kulankaasi lagu soo bandhigay Buug uu qoray Cali Axmed (Cali Qoryooley) oo nuxur ahaan xambarsan faca wayn ee cariga Somaliland Sooyaalkiisa tariikheed, islamarkaana uu wakhtigan xaadirka ah ay haboon tahay in Maraykanku wax ka barto Sooyaalka taariikhda Somaliland. Kulankaasi oo uu hadal kooban ka jeediyay qoraha buugaasi Cali Axmed, ayaa xambaarsana jawaab loo dirayay dawlada Maraykanka, isla markaana loogu baaqay in xukuumada Maraykanku aqoon korodhsi usoo doonto Somaliland Sooyaalkeeda taatiikheed ee ay leedahay. Waxaana kulankaa laga cadeeyay in Maraykanka aqoon gaabi ka hayso taariikhda dalkani leeyahay ee caanka ah, Dhinaca kale kulankaasi waxa iyagana jawaab looga diray dawlada Somalia, waxaana loogu baaqay in haddii ay ka waantoobi waayaan sheegashada Somaliland, iyadoo la ogaa burburkii naf iyo maalba lahaa ee dalkani u soo huray gooni isku taaga iyo madaxbanaanida qaranka. |