Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3195

January 24 2013                                                               Rabicil Awal 12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweynaha Somalia Oo Kulan Muqdisho Kula Yeeshay Diplomaasiyiin Caalami Ah

Muqdisho, January 24, 2013 (W.Wararka) - Madaxweynaha Dawlada Xamar ayaa shalay kulan kula yeeshay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Qaar ka mid ah Safiirada Dowladaha Caalamka u qaabilsan Somalia. Kulan oo ahaa mid albaabada ay u laabnaayeen ayaa qaatay muddo saacado ah waxaana markii uu soo idlaaday kadib Saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu kala hadlay safiirrada sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Wadamadooda iyo Soomaaliya isla markaana loo horumarin lahaa Dhinacyada arrimaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalkaasi. Madaxweynaha ayaa xusay in Diplomaasiyiinta uu la kulmay ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka furtaan safaaradahooda kuna shaqeeyaan oo ay shacbiga Soomaalida la qeybsadaan daruufaha ay ku noolyihiin waxa uu intaa ku daray inay danjireyaashani ballanqaadeen inay Soomaaliya ka caawiyaan dhan walbo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee ay Dowladda Kenya usoo magacaawday Soomaaliya kaasoo uu la socday safiirka Soomaaliya u qaabilsan Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko. Madaxweynaha Somalia ayaa ka guddoomay safiirka cusub ee Kenya warqadihiisa Aqoonsiga Danjirnimo ee uu ku wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee somalia.