|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3195 |
January 24 2013 Rabicil Awal 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Caynba-Cayn Qore: C/Naasir Dheeg Ciise (Q/17aad) INDHO-SARCAAD (Q/2aad) Tallo waa mar aad garanweydo iyo mar aad gaadhi weydo ee ganacsi haddii uu doono in loo sameeyo diyaar ayaa loo la ahaa, hase yeeshee deeqdii dalkiisu duunyo way u noqon weyday, waanadii adeer iyo abtiba ay u soo jeediyeen waxay noqotay “ Hal bacaad lagu lisay” - “Nin meeli u cadahay meeli ka madow” ee waxa uu noqday – “ Tallo ma yeele, Tiisa ma mahadshe, Ta uu falaaba ku qabsatay”. Dhalintii geyiga iyo Immisaa geyaankii Geri-go’an cidlaa’iyo Giriyaad saxaaraha Inta luunku gawracay Ay dubatay gaajadu!! Immisaa mas iyo good Gaadiyo libaaxiyo Bahaluhu ku guuseen Immisaa gashaantimo Gabdho dhaban lahaa’iyo Gadh-madoobe iyo dumar U galleen cadaawaha Guudka aadmi uga eeg Inta geeri iyo nolol Goob ay ku suganyihiin Maanta geesna loo tirin Geedaha ka tiro badan Inta qaar god lagu xidhay Loo gaday dhulkoodii Inta tix iyo tiraaba loo duur xulay ee la hogo tusaaleeyey dheg jalaq uma uu siin, ee inuu mar jaanta dhigo jannada farta loogu fiiqay ayuu goostay. Waxa uu ahaa wiil laf iyo laxaad u dhashay, hase yeeshee caday ayuu ka dhuubtay intii cudurkan dhoofku soo foodsaaray. Dad la dhaqankii, dulqaadkii iyo dadnimaddii lagu yaqaanay duxna kuma hadhin, laguma xarriiro waxayse bilistu xanta hoose isugu tabiyaan hooyadiina u dusiyaan in la doorsaday oo uu dabiib u baahan yahay, kadib markii dubkiisa iyo dabbeecadiisaba isbedelka ay ka dareemeen. Inkasta oo waayeelka iyo waxgaradku ka war hayaan inuu wajaqaha la qabo dhiggiisa wadanka, hadana Deeqa wer-wer iyo walaac uu ku hayey wiilkeedu wadaad iyo waranleba way uga kitaab furtay. Markii laga waayey durro laga daweeyo marnaba ducadiisa iyo dardaarankiisa daqiiqadna kama ay daali jirin. Cali ayaa saddexeeyey fikradaa hortiiba lagu lamaanoobay; “Ma afkayguu kalabaxay?!! Iyo ma calooshayduu ogaa” halku dhegyadaas ayaa uu soo qaddimay. Waa sida inbadanba la qabaane’ waxa uu soo bandhigay inuu ku sugan yahay, “Laab la kacay luggana kuma joogo” waa dhab in Soomaalidu been sheegto beense aanay maah-maahin, ee waxaan xasuustay “Doqoni ma dhiman ayey ku faantaa”, Cali waxa uu ka sheekeeyey laba tallaabo oo xaaladan ku saabsan “Ragg ba’ii ka sheekee, Dumarna badhaadhahood”, kama waantoobin waayo aragnimana uma kordhine’ socdaal barkhadeed ayuu u turjuntay. Diiftii, Darxumadii iyo Daalkii saddexda wadan ee uu dalka Soomaaliya uga sii gudbay Kiiniya ayuu ka waramay. Xanuunkiisii xoolo ururinta dib loogu soo celiyey dalkiisa, waxa uu ku tilmaamay tafaaful iyo khasaare. Mar dooni uu Boosaaso ka raacay ka samato-baxay lagana soo tuuray Yaman waxa uu u arkaayey nasiibxumo uu u dhashay. Gabogabadiina inuu go’aankaa saaxiibadii dhacanta sii saaro ayaa uu hadalkiisii ku dhaabadeeyey. Cali oo labaatan iyo afar gu’ baarka ka gooyey, tan iyo maalintii uu dabka ka baydhay eray qaloocan aabihii ma odhan dirir iyo dilidna hadalkooda daa. Hooyadii oo curad iyo guri danbaysba uu u ahaa, laba jirkiisii ayay god gashay, waxa kobcintiisa iyo korintiisana kaalin libaax ka qaatay habbar-yartii oo aabihii loogu xigsiimay. Wixii calafka cunahiisa mara iyo calalka uu xidhaba carruurtooda kale ayuu saami qaybsiga ula sinaa. Kool-koolin iyo sabaale kalgacal sidii loogu hagarbaxay uma hagaagin ee waxa uu noqday, “Madax kuu muuqda iyo middi saawir ah midna lagama quusto”. Dugsi quraan yaraan ayaa uu ku looxtuuray, goob kasta oo waxbarasho loo geeyeyna waligii guul kalama soo hoyan. Inkasta oo aabihii inuu ganacsiga uu u adeego jeclaa waa uu kala quustay, haddana uguma gacan qaadin si kasta oo uu faraha laga qaad u noqday. Waxkasta oo uu ka dalbado oo daruuri ahna uma diidi jirin. “Ka dar oo dibi dhal”, balwada uu ku bahaloobay waxaa u dheeraa inuu aqalkoodii ka habeen dhaxo, markii danbana ay geyeysiiso inuu kaba soo daahiri waayo. Habbar-yartii oo ay ceebtiisu dhibaysay in badan inay u aqli celiso way ku dedaashay, dhawaaqeeduna waxa uu ku dhacay dhego laydh u daloola. Sikasta oo ay uga qarisayna Samatar bishuba hortiisa ayey timid. Goorsheetu waxay ku siqaysay kowdii (1dii) habeenimo markii hurso wanaagsan iyo wixii waa ka beryo la isku maca salaameeyey, waxaana la isku xambaariyey weydiimo shaqo guri ahaa in midba go-gosha dhankiisa la soo falanqeeyo. Sabtida waxaa loo balamay safar lagu magacaabi karo “laba daran mid dooro” in maamul goboleedka Puntland ee aan deriska nahay doonyahay dad xaraaska ah la isku biimeeyo iyo in socdaal dheer oo jaantaa rogan ah lagu jibaaxo dalalka Afrika, saxaarahana jaaha loo dhigo oo laga gubo xeebta Liibiya. Xalka su’aalahaasi waxaa la isla qaatay in habeendanbe gabal dhaca la iskula soo noqdo. |