|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3195 |
January 24 2013 Rabicil Awal 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daraasad Sheegtay In Dadka Habeenkii Shaqeeyaa Ay Uga Nugul Yihiin Wadna Xanuun Kuwa Maalintii Shaqeeya Daraasaad dhawaan lagu soo daabacay Wargeyska ka faallooda Arrimaha Caafimaadka ee British Medical Journal, ayaa sheegay in dadka habeenkii Shaqeeya ay yihiin kuwo u nugul inuu ku dhaco Cuddurka Wadno-xanuunku. Daraasadan oo ay sameeyeen Khubarro Caafimaad oo dabagal ku samaysay Khatarta dadka habeenkii shaaqeeya ay u noqdeen kuwo uga nugul Wadna Xanuunka marka loo eego kuwa maalintii shaqeeya ayaa lagu sheegay in lagu ogaaday in 25% oo ka mid ah dadka kaltanka shaqadda ee habeenkii galaa noqdeen kuwo khatar ugu jira Wadno-xanuun, dabeecad-xumo, hurdo-xumo. Kooxda Khubarada ah ayaa intaa ku daray inay 34-baadhitaan ku qaabileen dad ay tiradoodu dhan 2,011,939 qof, kuwaasi oo 41% noqdeen kuwo khatar sare ugu jira Wadno-xanuun, Dhiig-kar, Macaanka iyo inuu dhiigooda dufanoobo ‘Cholosterol’. |