Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3195

January 24 2013                                                               Rabicil Awal 12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Nin Timihiisa Baaburta Iyo Diyaaradaha Ku Jiidaya Oo Baadi Goob Ugu Jiro In Lagu Qoro Buuqa Muuga Mucjisooyinka Aduunka

Alex Riachi oo ah nin u dhashay wadanka Lubnaan ayaa baadi goob ugu jira sidii uu u gali lahaa buuga lagu daabaco waxyaabaha la yaabka ah ee dunida ee lagu magacaabo  Guinness book of world records ka dib markii tintiisa uu adeegsadey in uu ku jiido baabuur waa weyn, isagoo sidoo kale diyaar u ah in uu ku jiido diyaarad weyn oo nooca rakaabka ah.

Sida ay tabisay wakaalada wararka  National News Agency ee dalka Lubnaan Alex oo 30 sano jir ah kana soo jeeda magaalada Zahle ee dalkaasi wuxuu timahiisa oo inta la isku duubay qaybta dambe loo jiiday uu ku xiray xarig uu ku jiiday baabuur weyn oo culeyskiisu yahay 10 tan.

“Waxaa aad ii dhiirigaliiyey dadka magaalada aan ku noolahay, kuwaasi oo had iyo goor sacabka ii tuma, sawaxanna igu taageera, waa xiliyada aay timaheyga ku jiidayo gawaarida” ayuu yiri Alex

Alex Riachi wuxuu tagey garoonka diyaaradaha Beirut’s international airport ee magaalada Beirut isagoo xabadka u garaacay maamulayaasha garoonka in uu doonayo in uu tintiisa ku jiido diyaarad, hase yeeshee maamulayaasha ayaa u sheegay in arintan aanay u haysan fasax oo aanay u ogolaan karin. Ninkan waxaa kale oo uu kaga yaabsadey bulshada reer Lubnaan isagoo dushiisa lagu burburinayo dhagax culeyskiisu yahay 700 kg, arintan ayuu wuxuu sameynayaa isagoo jiifa una jiifa jeego jeego ayuu labadiisa gacmood wuxuu ku aadinayaa xabadkiisa, ka dibna dhagax ayaa la saaraya, iyadoo qof sita dubbe aad u culus uu garaacayo, dhagaxa ilaa uu ku noqdo laba cad oo uu kala jajabo, arintan oo si weyn ula yaabtey cid kasta oo daawata.