|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3195 |
January 24 2013 Rabicil Awal 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
South Afrika Oo 2 iyo 0 Ku Tuntay Angola, Guushii Ugu Horaysayn Ka Gaadhay Koobka Qaramada Afrika Xulka South Afrika ayaa seddexdii dhibcood ee ugu horeeyey ka heshay koobka qaramada Afrika ka dib markii ay 2-0 ku dubteen xulka Angola ciyaar ka tirsaneyd Group B. Xulka martigelinaya koobkaan ayaa ciyaarta ku soo gashay si fiican uga habaysnayd sidii Ciyaartii hore ee furitaanka ee ay barbaraha kala kulmeen xulka Cape Verde Islands. South Afrika ayaa qeybtii hore abuurtay fursado badan isla markaana marar badan sigay inay shabaqa soo taabtaan oo hogaanka u qabtaan ciyaarta. Daqiiqadii 30aad ayay u suurtogashay South Afrika inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, laad xor ah oo uu soo tuuray Parker ayaanay si fiican isaka bixinin Angola waxaana kubada helay Sangweni, kaasoo si qurux badan shabaqa ugu hubsaday. Waa goolkii ugu horeysay ee Group A ee koobka Qaramada Afrika, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Bafana Bafana. Qeybtii labaad ayaa sidoo kale ciyaarta ay laheyd xiiso, iyadoo Angola ay fursado heshay si la mid ah South Afrika, Bafana Bafana ayaana labeysatay oo hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 61aad. Majoro oo bedel ku soo galay ayaana kubad si fician loo habeeyay hogaanka ugu sii dheereeyay xulka martigelinaya koobka qaramada Afrika. Labadaas gool ayay South Afrika ku xaqiijisatay guusha, waxaana ay haatan afar dhibcood ku hogaamineysaa Group A, iyado kulanka kale ee Group A ay xilli dhow isaga horimaan doonaan xulalka Cape Verde iyo Morocco. |