|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3195 |
January 24 2013 Rabicil Awal 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Dufaaca Barcelona Abidal Oo Dib Ugu Laabtay Cusbitaal Si Baadhitaan Caafimaad Loogu Sameeyo Daafaca Barcelona Eric Abdial ayaa la dhigay Cusbitaal ku yaal magaalada Barcelona si baadhitaan loogu sameeyo qalliinkii lagu sameeyay ee loogaga bedelay beerka. 33-jirkaan ayaa beerka laga bedelay bishii April kadib markii uu inadeerkii Gerard uu ugu deeqay beerkiisa, waxaana xilligaasi horumar sameeyay qalliin hore oo lagu sameeyay bishii March 2011. Qoraal si rasmi ah loogu daabacay shabakada warbaahinta ee Barcelona ayaa lagu qoray: “ Eric Abidal waxa uu saddexda illaa afarta maalmood ee soo socota joogi doonaa Barcelona Hospital Clinic si baaritaan loogu sameeyo horumarka uu sameeyay qalliinkii loogaga bedelay beerka ee bishii April. Naadiga Barcelona ayaa codsaday in la xushmeeyo xaaladiisa loona oggolaado noloshiisa gaarka. Abidal ayaa dib ugu laabtay tababarka bishii October balse illaa iyo imminka laguma soo darin kooxda Barcelona ee safanaysa inkastoo si toos ah loo fasaxay bishii December |