Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3196

January 25 2013                                                               Rabicil Awal 13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Hadimooyinka Shaqaalaha Halo Trust Ay Kala Kulmaan Masuuliyiintooda Ajnabiga Ah Iyo Duruufaha Nololeed Ee Ku Gadaaman

Hargeysa, January 25, 2013 (Haatuf) - Shaqaalaha Miino Saarka ee hay’ada Halo Trust ayaa waxa ka soo yeedhayey baryahanba cabashooyin la xidhiidha duruufaha shaqo iyo kuwa nololeed oo ay kala kulmaan Masuuliyiinta Ajnabiga ah ee haya’adaasi Maamula.

Sida ay ilo xogogaal ahi Haatuf u xaqiijiyeen, ayaa sheegay in Hawlwadeenada Miino saarka ee hay’ada Halo Trust ay tacadiyo aan loo adkaysan Karin kala kulmaan Masuuliyiinta Ajnabiga ah ee hay’adaasi, kuwaas oo ay ka tirsadaan inay kula kacaan dulmi joogto ah oo ay ku duudsiyaan kharashaadka habeen dhaxyada ee shaqaalahaasi ay leeyihiin. Masuul kasta oo Ajnabi ah oo la keeno hay’adaasi Halo Trust ayaa la sheegay in midba ka uu ka dambeeyo uu ku sii siyaadiyo dulmiga ay ku hayaan shaqaalaha Miino Saarka oo uu ku faano inuu hoos u dhigay kharashaadka ku baxa hawlwadeenada loo diro magaalooyinka iyo tuulooyinka si ay uga soo fuliyaan Miino Saarka. Ilo Wareedyadu waxay intaa ku dareen in Masuulkii Ajnabiga ahaa ee kan hada ka horeeyey uu u ogolaa shaqaalahu inay seexdaan marka ay hawlaha Miino Saarka iyo Qarxinta ka fulinayaan Deegaanada dalka inay seexdaan Hoteelo Jaban, isla markaana ay habeen dhax u qaataan $4. Halka masuulka wakhtigan xaadirka ah maamula Halo Trust uu ku faano inuu Hindise uu ku yaraynayo kharashaadka habeen dhaxa ah ee shaqaalaha Miino Saarka ee loo diro magaalooyin ka fog guryahoodii ku baxa oo uu ka dhigay inay habeen dhax u qaataan $3 isagoo hoteladii qiimaha yaraa ee ay seexan jireena uu ugu badalay inay taandhooyin qaataan oo ay ka dhistaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay shaqada u tagaan. Sheekooyin kale oo ku saabsan hawlaha miino saarka kala soco cadadyada dambe ee Wargeyska Haatuf.