Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3196

January 25 2013                                                               Rabicil Awal 13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xaafadaha Danyarta Ah Oo Ku Diirsaday Haween Amaah Ugu Dhiga Noocyo Ka Mid Ah Qalabka Guryaha Ee Muraayadaha TV-gu Ka Mid Yihiin Oo Bilba Inta Ay Awoodaan Iska Bixiya

Hargeysa, January 15, 2013 (Haatuf) – Shaqaalaha Musharooyinka ay qaataan ama dhaqaalaha ay helaan aanu ku filayn marka ay u baahdaan inay iibsadaan noocyo ka mid ah Agabka guryaha la dhigto iyo Quutal Daruuriga ayaa muddooyinkii u dambeeyay fursad ka helay ay agabkaasi guryaha ku dhigtaan Ganacsato yaryar oo u badan dumar oo ka ganacsadaan Muraayadaha laga daawado Tv-yada, qaar ka mid ah fadhiyada guryaha la dhigo iyo agab kale. Dumarkan ayaa Qoysaska Mushaqarkoodu yaryahay lacagta mar qudha ka wada qaadin bale kula heshiiya inay bishii-ba wax iska bixiyaan qadarka ay kaga iibiyeen, isla markaana ay kaga dhamaato bilo sida ay agabkaasi u kala duwan yihiin qiimahooda lagu saleeyo wakhtiga ay qaadan karto inuu iskaga bixiyo qofka shaqaalaha ah ee dhaqaalihiisu hooseeyo. Dumarkan ganacsatada yar yar ah ayaa inta badan ganacsigooda kula xidhiidha hooyooyinka qoysaska, isla markaana ay ku heshiiyaan muddada ay iskaga bixin karayaan alaabta ay u dhigayaan. Wargeyska Haatuf oo arrintan u kuur galay waxna ka waydiiyay dumar dhawr ah oo ka mid ah qoysaska ganacsatadaasi fursada kaga helay inay qalabka guryaha ka sii qaataan, isla markaana muddo bilo iyo wax ka badan ah iskaga bixiyaan kharashkii lagaga iibiyay, ayaa sheegay inay jaaniskaasi ka faa’iidaysteen, maadaama aanay awoodi karin inay mar kaliya iska bixiyaan kharashka, waxaanay sheegeen in hadba alaabtu sida ay u kala qaalisan yihiin bixinta kharashkoodu ku salaysan yahay, oo haddii tusaale ahaan $100 Muraayada Tv-ga laga daawado lagaga iibiyo muddo shan bilood ah ay iskaga bixiyaan bishii-ba $20. “Waxaan dhawaan iibsaday Muraayada shaashadaha, waxaa la iga siiyay $100, waxaa xaafadaha noogu keenay dumar ka ganacsada agabkaasi, waxaanay kula heshiiyeen qoysaskii ay u dhigeen ee aan ka midka ahay in bishiiba $20 aanu iska bixino, oo muddo shan bilood ah igaga dhamaato lacagtu, waana fursad fiican oo aanu ka faa’iidaysanay, maadaama dhaqaaluhu noo saamaxi waayay inaan mar kaliya lacagta iska bixiyo” sidaa waxa tidhi hooyo ka mid ah qoysaska degan koonfurta magaalada Hargeysa oo ka cudur daaratay in magaceeda la shaaciyo, waxaanay intaa ku dartay in ganacsatadaasi ay ka faa’iidaan qadar lacageed, isla markaana qoysaska ay u dhigaan qalabkaasi iyaguna faa’iido ay u tahay maadaama ay baahi u qabeen noocyo ka mid ah qalabkaaasi sida Muraayadaha Tv-yada, waxaanay intaa raacisay in mashruucaasi ganacsi uu dadka aan awoodi karin waxtar u yahay guryahooda