|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3196 |
January 25 2013 Rabicil Awal 13,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Al Shabaab Oo Ku Hanjabay Inay Dilayaan Askar Kenyan Oo Iyga Oo Habow Ah Gacanta U Galay Kooxdaasi Muqdisho, January 25, 2013 (W.Wararka) - Kooxda Al Shabaab ayaa shabakada Twitterka ku faafisay Filim iyo digniin ku socota dowlada Kenya oo ay ugu hanjabeen inay jawaab deg deg ah kasoo bixiso codsi ka yimid Al Shabaab, hadii kale ay dili doonaan maxaabiis ay gacanta ku Kenya kaga hayaan. Kooxda Al Shabaab ayaa soo saartay filim ay ku muujinayaan maxaabiista u dhashay dalka Kenya oo ay ku jiraan Askar Kenyan ah oo gacanta u galay kooxda Al-shabaab xili ay ku dhex ambadeen Ciida Somalia. Al Shabaab ayaa kuhanjabtay inay dili doonaan dhamaan 6da maxabuus ee u dhashay Kenya hadii ay dowlada Kenya jawaab kasoo bixin weydo shuruuud ay ku xireen xukuumadaasi oo ah; 1- In la siidaayo dhamaan dadka Muslimiinta ah ee lagu xiray dalka Kenya 2- In la siidaayo dadka Kenya ay u gacan gelisay Ugandha oo loo heysto arrimaha la xariira argagagxisada 3- In la shaaciyo siideynta dadkaasi, raali gelina laga bixiyo xarigii loo geystay. Al Shabaab ayaa ku hanjabay hadii aysan Kenya kasoo jawaabin codsigoodan muddo 2 todobaad gudaheeda ah inay dili doonaan dadka ay heystaan 14ka bisha soo socota ee Feberaayo. Kooxda Al shabaab ayaa hore u sheegtay inay dishay ninkii u shaqeyn jiray Sirdoonka Faransiiska Dennis Alex oo ay muddo 3 sano ah heysteen kadib weerarkii fashilay ee Faransiiska ku qaaday goobtii lagu hayey horaantii bishan. |