Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3196

January 25 2013                                                               Rabicil Awal 13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebida Oo Deeq Gaadhsiiyay Xarunta Lagu Xanaaneeyo Darbijiifta Ee Mustaqbal

Hargeysa, January 25, 2013 (Haatuf) - Guddida wanaag farista iyo xumaan  reebida ayaa shalay gaadhsiiyay deeqo kala duwan xarunta dhaqan celinta loogu sameeyo isla markaana lagu xanaaneeyo caruurta darbi-jiifka ah ee Mustaqbal. Deeqahan oo isugu jiray dhar, kutub, buugaagta wax lagu qorto, qalimaan iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah wax barashada caruurta ayaa waxa halkaa Guddida kagala wareegtay  Marwo Luul Xasan mataan oo ah maamulaha guud ee Dugsigaasi isla markaana iyadu aas aastay Dugsigan dhaqan Celinta loogu Sameeyo Caruurta darbi-jiifka ahaan jirtay oo ku yaala Bariga Hargeysa. Munaasibadii deeqdaa lagula kala wareegayay oo ka dhacday Dugsigaasi ayaa waxa ugu horayn ka hadashay Marwo Luul Xassan Mataan oo ka warbixisay marxaladihii uu soo maray Dugsigani iyo Sababiihii ku dhaliyay in ay aas aasto Dugsigani waxaana ereyadeedii ka mida ahaa “Mahad illaahay ayaa iska leh xaruntani waxa ay furan tahay Sanad iyo laba bilood, Sanadkii 2011 ayaan ku guulaystay in aan soo xareeyo caruurtan, farxad ayay ii tahay in aad timaadaan meel aad wax igala qaban kartaan in ay marayaan caruurtani, marxalado badan ayaan isla soo marnay caruurtan, tiradoodu waxa ay ahayd 200 oo caruur ah, 75 ka mid ah oo ay 35 gabdho yihiin iyo 40 wiil waxa illaahay igu guuleeyay in aan u helo waalidkii dhalay dibna aan u walaalayno iyaga reerahoodii, intii kalena maanta way joogaan”

Marwo Ilhaan ayaa sidoo kale sheegtay in ay markii ay ahayd gudoomiye ku xigeenka komoshankii Xuquuqal insaanka Qaranka ay ka shaqayn jirtay tacadiyada lagu sameeyo Caruurta iyo dumarka isla markaana fikradani ay ku uruurisay caruurta darbi jiifka ah ee aan cidina u maqnayn ceelna u qodnayn ay ku dhalatay wakhti ay ku xanaanaynaysay dhakhtarka wiil yar oo darbi jiif ahaa oo shil ku dhacay waxaanay tidhi “sida aad ogtihiin anigu waxa aan ka shaqayn jiray Komishankii Xuquuqal insaanka oo aan ka ahaa Gudoomiye ku xigeen waxaanan ka shaqayn jiray caruurta lagu sameeyo abuyuuska iyo dumarka, caruurta kufsiga lagu sameeyo, caruurta la tuuro, caruurta la xado, iyo caruurta darbi jiifka loo yaqaan, waxa aan ogaaday in caruurtaasi aanay cidina u maqnayn ceelna u qodnayn markaas ayaan qaatay go’aankan aan ku aasaasay, horena waan uga sheekeeyay Culimada mar uu shil la galay xubin qurbo joogi wiil darbi jiif ahaa oo aan ku xanaanaynayay dhakhtarka ayaan fikirkan qaatay” Marwo ilhaan ayaa sidoo kale sheegtay in caruurtani ay saddex qaybood ka kala yimaadaan isla markaana qaybta ugu wayni ay ka yimadaan burburka qoyska isla markaaan ay caaruurtani dhamaantood ay yihiin reer Somaliland oo ayna meelo kale ka iman marka laga reebo 6 oromo ah “waa ilaahay mahadii mar hadaynu caruurtaasi wada danaynayno oo aad idinkuba u damqateen oo aynu ehel u wada nahay, caruurtani saddex eeriyo ayay ka kala yimaadaan, wa caruur aan hooyo iyo aabe lahayn oo aan cidnaba lagu halayn karayn, caruur uu fakhrigu gurigoodii ka soo saaray, waxa weeyaan qaybta saddexaad qaybta ugu badan ee Somaliland caqabada ugu wayn ka taagan tahay waa burburkii qoyska, caruurtan boqolkiiba lixdan waa caruur qoysaskoodii burbur ku yimid, waxa weeyaan ilmo kasta hooyadii iyo aabihii way nool yihiin, goboladay iska joogaan, way is fureen goboladay iska joogaan, caruurtiina dhexday ka baxeen, noloshayna ka dhaceen labadiiba markay waayeen….caruurtani boqolkiiba sagaashan waa caruurteeni  waa reer Somaliland waxa ku jira lix caruur ah oo Oromo ah, dadka qaarba waxay u haystaan in ay meelo kale ka yimaadeen”. Dhinaca kale Marwo Ilhaan ayaa sheegtay in ay baahi badani taalo isla markaana ugu baaqday Wasiirka Maaliyada in uu wax la qabto “waad ogtihiin waa iska bilaw, wax badan oo aas aasi ah ayaa ka dhiman, inamada oo kale 60 ayay kuwada seexdaan qolada kalena 60 ayay kuwada sheexdaan waad mahadsan tihiin waad u kacdeen, cid kasta oo wax ka gaysatay waan u mahad celinaynaa, misaaniyada qaranku aad ayay badan tahay maanta, dadka aadka u jilicdasan ayay kuwani ka mid yihiin, Wasiirka Maaliyada waxa aan hawada u marinaya maanta in hoos loo eego oo nalooga kordhiyo”. Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Sheekh Maxamed Maxamuud Xaaji Xiiray oo Qayla dhaan  u diray bulsho weynta reer Somalilnd waxaanu yidhi sheekhu isagoo ugu horayn u duceeyay Marwo Ilhaan “hadaanu nahay Guddidii wanaag farista waxa aanu halkan u nimid laba arimood, waxa aanu doonaynaa caruurtaa maanta quruxda badan ee shalay darbi jiifka ahaa ee wada daayaca ahaa maantana aan quruxdooda ay aragno hablo iyo inamaba waxa weeyi horta in bulshawayntu ogaato, inantaa isu xilsaartay ee arinkan inoo bilawdayna illaahay abaal ha ka siiyo, camal wanaagsan baad qabatay, wado wanaagsan ayaad u furtay umada, ubadkii oo wada daayaca oo wadooyinka wada jiifa oo aynu maanta arkayno xaalaadka ay ku sugan yihiin, halkan waxa ku xaraysan 135 mar haddii intaa la soo xereeyay intii kalena diyaar loo yahay in la soo xareeyo camal aad u wanaagsan ayay qabatay khayr illaahay ha siiyo, dadkii akhyaarta ahaa ee iyagu halkan dhisay kana war haya ama dawlad ha ahaadaan ama shicib ha ahaadaan aad iyo aad ayay u mahad san yihiin anagu risaalada labaad ee aanu gudbinaynaa waa qaylo dhaan aanu gaadhsiinayno bulsho weynta Somaliland, aanu gaadhsiinayno qurbo joogta Somaliland, aanu gaadhsiinayno Xukuumada Somaliland,waxa aanu gaadhsiinaynaa in aynu dad muslima aynu nahay, walaalayaal ceeb ayay inagu tahay in wadooyinkeena hablaheenii iyo ubadkeenii oo daayacani ay jiifaan, oo meel alaale meel ay galaan aanay jirin oo aynu ognahay in ay dalka u wada dhasheen, waxa halkaa dhigayna ay tahay qoys burbur, baahi, ubadkaasi meel alaale meel ay tagaan markay waayeen ayay wadooyinka ku qabsatay” ayuu yidhi Sheekh Maxamed isaga oo hadalka sii wata “illaahay ayaa quraankiisa ku sheegay in dadka muslimiinta ahi wax istaraan, baahiyaha meeshan yaalaa way badan yihiin 135kaa waxa u jooga hal macalin oo wax bara, laydh malaha, biyo la’aan ayaa jirta xitaa gogoshii way ku yar tahay, qaar kaloo badana waa la soo wadaa, markaa hadaynu isku naxariisan wayno keena itaalka daran aynu u naxariisan wayno illaahayna inoo naxariisan maayo, waxa umadii ka qaylisiiyay in ay inagu soo kordheen hablo shaaracyada seexda iyadooyna jiri jirin waliba hablaheenii oo baluqiin ah ay shaaracyada hurdaan, taasi Somaliland oo dhan ceeb ayay ku tahay, ceebay dhamaanteen inagu tahay ka wax haysta, ka wax haysta walaahi ceebay ku tahay in uu hargeysa laankuruusal ku wato iyadoo xaaladaasi Hargeysa ka taagan tahay, Walaalayaal ha loo gurmado, nin waliba wuxuu iska jari karo ha iska jaro, Maasaajidada halaga kaco ubadkaa oo dhan shaaracyada halaga xareeyo, fariintayaduna waa yaan Shaaracyada Somaliland laga helin ubad daayacan”. Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Sheekh Axmed Muxumed Cali iyo Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Gudida Wanaag farista oo labadoodu sheegay in loo kaco sidii wax loogu qaban lahaa caruurtaa yar yar.