|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3196 |
January 25 2013 Rabicil Awal 13,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Caynba-Cayn Qore: C/Naasir Dheeg Ciise (Q/18aad) Hadimooyinka Qaadka Badhaadhe adduun iyo barwaaqaa loo dhameeyey, mood iyo nool xoolihiisu waa ay ku filan yihiin isaga iyo xaaskiisaba. Lix carruur ah oo sooran baa uu Baaruud dhalay, waa barbaar wiilal iyo gabdhoba qaddarinta waalidka iyo xishmaynta cid kasta oo da’ahaan ka weyn aad ugu fiican. Beesha ay ollog wadaagga yihiin dhalinyaradoodu kolkay is xamanayaan waxa ay ilma Baaruud xanta qayb ugu lahaayeen asluub iyo akhlaaq is raacsan oon kala hadh lahayn. Beeshu waxay taallay kob barwaaqo ah, dad iyo duunyaba damaashaad baa lagu jiray. Guud ahaan xooluhu dharaarin ka dhereg xif la abarqo jiifa bay ahaayeen, dhalinyarada xoolaha jirtaana inta badan waxay isku maaweelin jireen shantarad, riyo ka dhalis, leelo goobalay, kor u booto, shabadaan iyo hadba wixii kale ee ay xiiseeyaan. Bile Baaruud waxa uu ahaa doob 20 gu’baarka ka jaray oo isku tuntay, hawsha labo kadin oo geeloodu ahaana isagaa agaasinkeeda loo igmaday. Habeen iyo dharaar kama fadhiisto isku dubbo ridka iyo la socodka geela iyo amuurihiisa. Lexejeclada iyo firfircoonida waxa uu ka hiddeysanayaa dhudi oo aan haweenkaba ku jirin ee baro dheerayd, tan iyo maalintii ay dab ka baydhayna waalidkeed ay ku nasteen, in kastoo aanay ku raagin gurigoodii oo uu kolkay 16 jirsatay Baaruud u ardaa dhigtay lana siiyey oo loogu duceeyey. Labada wiil ee kale ee isaga ka yaryaraa waxa ay ku hawlan yihiin kana shaqeeyaan agaasinka hawsha adhiga oo aanay marnaba dhayalsan. Labadii gabdhood ee ilma Baaruud qaangaadhkiiba biqilkaa lagu goostay oo waa la guursaday, waa gabdho la garanayo halka ay ka soo jeedaane, horaa loo yidhi: Haweenka iyo geelaba waa la hiddo raacaa. Nimco waliba nusqaan lehe Baaruud waxa uu ahaa beel daajiye laga dambeeyo oo xididka iyo xigaalkuba ay xishmeeyaan, waxa lagu yaqaannay aftahanimo, geesinimo, xirrib fagaan iyo hawl karnimo daacadi weheliso. Barjaha iyo qayilka maalinimo weligii kama uu qadin xataa haddii uu xanuusanayo waxa uu odhan jiray mijin iyo labo ha la iikeeno kaasaa xannuunka iga biiyee. Balwaddda cunidda Qaadku waxay ahayd wax lagu yaqaanno waayo waxa uu lahaa mijilis la fadhiisto oo lagu barjeeyo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Baaruud oo reerkiisii ka soo baxaya ay islaantii soddohda u ahayd aragtay kolkaasay ku tidhi hooyo: “Neefkaa Adhiga ah ii kexeeyoo magaalada iiga soo iibi lacagtiisana alaabta noocaas iyo noocaas ah ii soo sii. Baaruud oo ahaa nin asxaab badan oo akhyaar ah dad badan oo magaalada joogayna ay deyn Jaad u badan ku lahaayeen maalintaa isaga oo lacagtii Wanka soddohda sida ayaa lagu soo qamaamay si qof kastaa uu deyntiisii uga qaato, gaadh baa laga qabtay waana la isku xeeray oo meel uu ka baxo waayey haba yaraatee. Lacagtii Wanku waxay noqotay wax deyn loo qaatay iyo intii soo hadhay oo ay asxaabtiisii ay isku mijiliska ahaayeen uu jaad ugu qaaday. Gabal baas baa u dumay Baaruud habeenkaas waayo soddohdii aamintay ee naylka u soo dhiibatay wax uu kula noqdo ma hayo, hase ahaatee Baaruud waxa uu u fikiray sidii “Xeegana ay xeego u noqon lahayd ilkana u nabad geli lahaayeen”. Saqdii dhexe ayuu guureeyey waxaanu tegey reerkiisii waxa uu u dhacay xeradii Adhigiisa si uu u soo xado neef uu ku mag dhabo kii soddohda ee isaga ku baxay. Markuu xeradii Adhiga u dhacay ayuu Adhigii diday oo isla oogsaday sidii bahal u soo dhacay, dadkii ardaaga hurday ayaa isla markiiba gurmad miciinsaday si ay Adhiga bahalka uga ridaan balse waxa ay waayeen bahal dad iyo bahal dugaag midnaba, Baaruudna Adhigii ayuu ku dhex dhuuntay.
La Soco……………. |