|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3196 |
January 25 2013 Rabicil Awal 13,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ghana Oo Ka Talaabsatay Xulka Mali, Hogaankana U Qabatay Group B Ee Koobka Qaramada Afrika Xulka Ghana ayaa guul muhim ah ka gaadhay xulka Mali kulanka labaad ee Group B ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen. Ghana ayaa kulankaas carcar ku soo gashay isla markaana abuurtay fursadaha hore ee ciyaarta, inkastoo ay ku guuldareysteen inay fursadahooda gool u sarifaan. Fursadii ugu fiicneyd waxa ay aheyd markii daqiiqadii 31aad laad xor uu soo tuuray Wakaso uu madaxa la helay Bada laakiin birta ayaa ka beenisay. Daqiiqadii 35aad ee ciyaarta Ghana ayaa garsooraha reer Ivory Coast uu u dhigay rgoore markii Tamboura uu qalad xun ku galay Badu. Waxaana dhib u dhac yar uu ku timid tuurista rigoorada iyadoo daqiiqadii 38aad uu u soo istaagay Wakaso kaasoo meel sarre ka geliyay shabaqa, inkastoo goolhaye Samassa uu raacday hadana fursad uma heysan inuu celiyo. Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay xulka koobkaan ku guuleystay afarta jeer. Gyan ayaana u soo dhawaaday inuu labeeyo kooxdiisa daqiiqadii 56aad laakiin fursada waa ay ka qasaartay inkastoo uu ku qasbay Samassa inuu ka soo garguurto xariiqda goosha. Labada kooxood ayaana rubuc dhamaadkii ciyaarta soo bandhigay ciyaar tayo leh, inkastoo ay wax ka bedeli waayeen sida ay natiijada aheyd qeybtii hore. Guusha ay gaartay Ghana ayaa ka saaciday inay hogaanka Group B ku qabtaan halka Mali ay seddex dhibcood leedahay, balse booska labaad waa ay waayi doontaa hadii DR Congo ay guul ka gaarto Niger kulanka soo socda xilli dhow. |