|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3196 |
January 25 2013 Rabicil Awal 13,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Manchester United Oo Mar Kale Amaah Ku Fasaxday Weeraryahankooda Federico Macheda VfB Stuttgart ayaa muddo shan bilood ah amaah kula wareegtay weeraryahanka Manchester United Federico Macheda, sida ay xaqiijisay kooxda Bundesliga ka ciyaarta. 21 jirkaan oo Manchester United la joogay tan iyo 2007dii, ayaa amaah ugu soo ciyaaray Sampdoria iyo QPR ka hor inta uusan xilli ciyaareedkan ku soo laaban Manchester halkaasoo uu inta badan u ciyaarayay kooxda juunyeerka. “Waxaan doonaynay inaan la soo saxiixano weeraryahan, waana ku faraxsanahay inaan keenay Federico Macheda” ayuu yiri agaasimaha kooxda Stuttgart Fredi Bobic ka dib markii ciyaaryahanka Talyaaniga uu tababarkiisii ugu horeysay la qaatay Stuttgart. “Waa uu da’ yar yahay baahi ayuuna qabaa, si fiican ayuuna u la qabsan karaa VfB. Waxa uu ka yimid koox weyn halkaasoo uu ku soo bandhigay waxa uu qaban karo. Haatan waxaan dooneynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan kooxda ugu biirino.” |