|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3196 |
January 25 2013 Rabicil Awal 13,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Goolhayaha Real Madrid Iker Casillas Oo Qalliin Lagu Samaynayo Maanta Goolhayaha Real Madrid Iker Casillas ayaa la sheegay in Maanta qalliin faraha loogaga sameeyo. Kabtanka Los Blancos ayaa waxaa laad ku dhuftay Alvaro Arbeloa kulankii Copa del Rey ee Valencia taasoo qasabtay in garoonka laga saaro. Baaritaano lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in ciyaaryahanka uu suulka iyo far uu ka jabay iyadoo warar la isla dhex marayana ay sheegayaan in laga yaabo in uu saddex bilood ah. Si kasta ha ahaatee wararka ka soo baxaya dhaqaatiirta kooxda ayaa waxa ay sheegayaan in goolhayuu uu ku soo ladnaan karo lix illaa siddeed toddobaad kadib marka qalliinka lagu sameeyo subaxnimada Jimcaha. Dhaqaatiirta kooxda ayaa la fahamsan yahay in ay doonayaan in goolhayaha uu garoomada ku soo laabto ugu yaraan lugta labaad ee kulanka Manchester United ee wareegga 16ka ee Champion League. Waxaa la rumeysan yahay in Casillas uu ugu yaraan seegi doono lugta hore ee la qorsheeyay February 13keeda sidoo kalana shan kulan oo La Liga ah iyo labo lug oo Copa del Rey ah kuwaasoo ay isaga horimaan doonaan kooxda Malaga ama kooxda Barcelona. |