Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3197

January 27 2013                                                              Rabicil Awal 15,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mujaahid Ibraahim Dhego-Weyne Oo Ka Dayriyey Xaalada Siyaasadeed Ee Dalku Marayo, Tilmaamayna Inuu Bari Iyo Galbeedba Ka Gubanayo

“Waynu Arkaynaa Somalia Gacan Saarka Lala Yeeshay, Golayaal Sharci Ah Oo Jiraana Ma Jiraan Sharcigii Dalkuna Wuu Dhintay, Xaalada Dalku Marayo Waanu U Balansanahay Oo Go’aano Degdega Ayaanu Ka Soo Saari Doonaa” Mujaahid Ibraahim Dhaga-Weyne

Hargeysa, January 27. 2013 (Haatuf) – Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ururkii SNM ee dalkan Somaliland xoreeyay ayaa sheegay in marxalada Wadanku marayo wakhtigan xaadirka ah ay tahay meeshii ugu xumayd ee dalku gaadho, waxaanu tilmaamay inuu u baahan yahay dalku badbaado qaran iyo wadatashi shacbigu iskaga yimaado. Mujaahid Ibraahim Dhagawayne waxa kale oo uu xukuumada ku eedeeyay in sifo qayrul sharciya ay ku hor fadhiisatay maamulada Somalia, taas oo uu tilmaamay in shuruuc adagi ay ka yaaliin wada hadal Somaliland iyo Somalia dhexmara. Ibraahim Dhagawayne waxa kale oo uu sheegay in doorashadii golayaasha deegaanada ee dalka ka qabsoontay 28 November 2012 ay ahayd doorashadii ugu xumayd ee dalka soo marta, waxaanu cadeeyay in ururka Xaqsoor codadkii uu ka helay doorashada laga musuqmaasuqay, sidoo kalena wuxuu Komishanka doorashooyinka ku eedeeyay mid xukuumada u adeegayey oo waxkasta u saxeexay.  Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagawayne) waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo wargeyska Haatuf uu shalay la yeeshay, kaas oo uu kaga hadlay dhinacyo badan oo taabanaya siyaasada Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah, waxaanu u dhacay sidan:-

S: Doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28 November 2012 waxa ka dhashay cabashooyin ay muujiyeen ururada qaarkood oo mudaharaadyo dhiig ku daatay keenay, isla markaana dalka gayaysiin gaadhay xaalada burbur, taas maxaad ka odhan lahayd? 

J: Doorashadii dalka ka dhacday muran kama taagna inay ahayd doorashadii ugu musuqmaasuqa badnayd ee dalka ka dhacda, wixii dhacayna doorasho laguma sheegi karo, waxay ahayd waraaqo codbixineed oo qof iska leeyahay iyo nidaam uu qof kalia ahi iska leeyahay, xaalad bani’aadam gaadho meeshii ugu hoosaysay ayay Somaliland maanta taagan tahay, dalkuna maanta badbaado qaran ayuu u baahan yahay talo ka sokaysa oo maanta taalaana ma jirto, waxaana marag ma doon ah waa kaa dalkii bari iyo galbeedba ka gubanaya ee beel waliba qaylinayso, golayaal sharci ku fadhiya oo maanta dalka ka jiraa ma jiro wakiilo haday tahay, guurti haday tahay, laba nin oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen loo doortay ayaa meesha ka sii muuqda, laakiinse sharciyadii kale ee dalku way dhimatay, xaaladahan kale ee Koonfur gacan saarka lala yeeshay meeshay ku socoto waynu aragnaa talo lagu tagayna ma jirto, waxaa la sharciyeeyay oo lagu xidhay in Somalia laysku hor fadhiisan karo oo kaliya food shacbi, gole wakiilo iyo gole guurti oo sharciyayn karaana ma jiro, waa tii sharcigaasi uu Baarlamaankii hore ka tagay, haday xaaladan Somaliland ku sii socotana waxaan uarkaa qaran burbur”

S:-Shacbiga badankiisu waxay ka qabaan Madaxwayne Siilaanyo in codkii ay ku soo doorteen aanu waajibkiisii wax u qabasho ka soo bixin, arrinkaa maxaad ka leedahay?

J: Dadweynaha reer Somaliland waxay tabayaan, waxay shacbigu tabayaan haddii la buuxin waayo oo sharciyadii dalka la ilaalin waayo xaalad xun ayay tagaysaa.

S: Muranka cakiran ee ka taagan golihii deegaanka ee Saylac, arrimahaasi sideed u aragtaa?

J: Xaalada cakiran ee ka taagan Saylac waxay u baahan tahay xal ummadeed, xukuumadu dadkay u diraysaa waa dadkii ay labada dhinac-ba ka eed sheeganayeen, waxaan leeyahay labada beeloodba waa inay goobjoog ka wada ahaadaan halka lagu wada hadlayo cid dhex u ahina wsaa inay ka gar qaadaa waxyaalaha laysku hayo.