Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3197

January 27 2013                                                              Rabicil Awal 15,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddida Dhaqaalaha Wakiilada Oo Xeerkii Takaaliifta Amaanka Madaarada Wax Ka Badal Iyo Kaabid Ku Sameeyay

Hargeysa, January 27, 2013 (Haatuf) – Guddida dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland ayaa wax ka badal iyo kaabis ishaa falato ah ku soo sameeyay xeerka ay xukuumadu ku xalaashanayso lacagta $10 ee qayrul sharciga ah ee wasiirka duulista hawadu Maxamuud Xaashi Cabdi uu ka qaadi jiray dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo dagaya Madaarada dalka, lacagtaas oo ay musuqmaasuqi jireen shirkada Naasha iyo wasiirka duulistu  Guddiga dhaqaalaha oo fadhigii shalay ee golahaasi hor keenay wax ka badal iyo kaabid ay ku soo sameeyeen xeerkaasi xukuumadu ku sheegtay takaaliifta amniga Madaarada, ayaa iyagu ka baqay in wax ka badal ay ku sameeyaan lacagta $10 ee shardiga lagaga dhigayo inuu bixiyo qofka ka dhoofaya ama ka soo dagaya Madaarada. Hase yeeshee xubnaha guddigaasi ayaa xeerka ka saaray shirkada Naasha oo iyada xeerku u ogolaanayay in lacagtaasi ay qaado wasaarada duulista hawada.

Lifaaqa wax ka badalka guddiga dhaqaaluhu ay soo raaciyeen xeerkaasi oo uu gudoomiyaha guddigaasi Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi uu madasha fadhiga ka akhriyay ayaa u dhignayd sidan:-

Waxaa ku waajib ah dhoofe kasta oo sita tigidh diyaaradeed, isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah in uu bixiyo takaliif lacageed oo dhan toban dollar

Waxay guddidu ku soo dareen:-

Waxaa ku waajib ah dhoofe kasta oo sita tigidh diyaaradeed, isla markaana da’diisu 15 iyo wixii ka wayn, lehna kursi iyo miisaan u gaar ah in uu bixiyo takaliif lacageed oo dhan $10 (toban dollar)

Qodobka 5aad, Gacan ku haynta adeegyada iyo ururinta takaaliifta.

Qodobka 5aad oo odhanaya:-

Gacan ku haynta ururinta takaaliifta iyo adeega amniga Madaarada ee la xidhiidha qalabka lagu baadho shandadaha, iyo socotada waxaa ka masuul ah xukuumada waxaanay u igman kartaa cidii ay u garato ee ku haboon. Waxay guddidu ka saareen inta dambe ee u qoran (u igman karta ciddii ay doonto, waxaanay guddidu u dhigtay qodobkan sidan:-

Gacan ku haynta ururinta takaaliifta iyo adeega amniga Madaarada ee la xidhiidha qalabka lagu baadho shandadaha, iyo socotada waxaa ka masuul ah xukuumada.

Qodobka 5aad, farqadiisa, 2aad, guddidu way ka saartay dhamanteed.

Qodobka 6aad-ururinta iyo qaab-xisaabeedka takaliifta.

Qodobkan farqadiisa 2aad waxa uu u dhignaa sidan:-

Habka bixinta kharashaadka waxaa jaangoynaya wasaarada maaliyada, wasaarada duulista iyo hawada iyo shirkada gacanta ku haysa.

Waxay ka saareen shirkada gacanta ku haysa, waxay u dhigeen guddidu sidan:-

2. habka bixinta kharashaadka waxaa jaangoynaya wasaarada maaliyada iyo wasaarada duulusta.

Qodobka 7aad awoodaha hanti dhawraha guud ee qaranka.qodobkan oo odhanaya:-

Iyadoo aan waxba loo dhimayn awoodaha hanti dhawraha guud eek u xusan xeerka hanti dhawraha guud iyo kuwa kale ee xeerarka dalku jideeyeen, hanti dhawraha wuxuu awood u leeyahay baadhista iyo dabagalka takaaliifta.

Waxay guddidu u dhigeen sidan:- Hanti dhawraha qaranku waxa uu awood u leeyahay dabagalka iyo baadhista takaliifta uu xeerkani jideeyay si waafaqsana xeerka hanti dhawrka guud.

Qodobka 9aad-dhaqan galka xeerka.

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka golaha wakiiladu ansixiyo, madaxwaynuhuna sexeexo, isla markaana lagu baahiyo faafinta rasmiga ah.

Waxay guddidu ka saartay, isla markaana lagu baahiyo faafinta rasmiga ah, iyagoo u dhigay sidan:-

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka golaha wakiiladu ansixiyo, madaxweynuhuna sexeexo.