|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3197 |
January 27 2013 Rabicil Awal 15,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxweynaha Somalia Oo Safar Ugu Baxay Itoobiya Iyo Wasiirkiisa Khaarajiga Oo Ka Hadashay Shirka Somalia Ee London Addis Ababa, January 27, 2013 (W.Wararka) – Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal ugu ambabaxay Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, kuwaas oo la sheegay inay ka qaybgalayaan Shir madaxeedka, wadamada Midowga Afrika oo dhawaan ka furmaya Addis Ababa.Shir Madaxeedka Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, iyo xiisadda ka taagan dalka Mali.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisa Itoobiya kadib lagu wadaa inuu u safro Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka, halkaas oo ah xarunta wadamada Midowga Yurub ku jira uu kaga qayb gali doono Kulan ay isugu iman doonaan hogaamiyeyaal ka socda Dowladdaha ku bahoobay Midowga Yurub, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Nuur Gacal.Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kusii sagootiyay Wasiirka kowaad ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, Guddoomiyaha Baarlamanka Jawaari iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Dhinaca kale Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Ra’isal Wasaare Ku xigeen ahna Wasiiradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya oo la hadlaysay Warbaahinta ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo bisha May ee soo socota ka dhici doona Magaalada Landon ee dalka Ingiriiska.Wasiiradda ayaa dhanka kale sheegtay in kulankaan Muhiimad weyn uu uleeyahay Shacabka Soomaaliyeed Maadaama ay ka soo qayb galayaan dowlado dhowr ah oo ka tirsan Beesha caalamka.Fowsiyo ayaa shaaca ka qaaday in shirkaan uu daba Joogo aqoonsiga ay siinayaan dowladda Soomaaliya dowladaha waaweyn ee Caalamka taasi oo ay ku tilmaamtay in ay tahay Guul U soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed. |