|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3197 |
January 27 2013 Rabicil Awal 15,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Dowlada Xamar Oo Saddex Qof U Xidhay Musuqmaasuq Ay Sheegtay Inay Ku Sameeyeen Deeqo Waxbarasho Muqdisho, January 27, 2013 (W.Wararka) - Saddex masuul oo ka tirsanaa Maamulka waxbarashada dowladda Xamar ee Soomaaliya ayaa la xidhay kadib markii lala xidhiidhiyey inay Musuqmaasuq ku sameeyeen deeqo waxbarasho oo Somalia ka heshay dawlada Turkiga.Wasiirka hormarinta arrimaha bulshada oo ay hoostagto waxbarashadu Maryan Qaasim Cariif ayaa sheegtey in tani tahay calaamad muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay inay la dagalaanato Musuq-maasuqa, kaas oo dalka Somalia uu noqday tusaale loo soo qaato musuqmaasuqa caalamka.Maryan Qaasim ayaa u sheegtey wakaalada wararka ee AP in saddexda masuul ee la xidhay ay waxabarashadii deeqda ahayd siyeen ardey aan u qalmin oo shaqeysan.Saddexda masuul ee la xidhay waxa ka mid ah Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada, kaas oo hadda lagu eedaynayo in uu qaatay laaluush aad u badan, sida laga soo xiganayo Wasiirka Hormarinta Maryam Qaasim.“Waanu la soconey xadhiga Agaasimihii hore iyo laba masuul oo kale kadib markii eedaymo badan loo jeediyey, isla markaana lagu tuhmay Musuqmaasuq, waxaana socda badhitaanka arrintaas ku aadan” ayey tidhi Wasiirku.Agaasimaha la xidhay oo la yidhaa Muuse Faarax Xayd waa siyaasi ka soo jeeda Buuhoodle, waa shir-guddoomiyihii Shirkii Garowe ee lagu doortay Jaamac Cali Jaamac sanadkii 2001, waxaa la sheegayaa in mid ka mid ah Masuuliyiinta lala xidhay uu yahay wiil uu dhalay Muuse Faarax Xayd oo ka shaqeynayey Wasaaradda Waxbarashada.Dalka Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee u danbeysey galay kaalinta kowaad ee Musuq-maasuqa baadhitaan lagu sameeyey Dalalka caalamka taas oo ay soo bandhigtey hay’adda daahfurnaanta caalamka (Transparency International). |