Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3197

January 27 2013                                                              Rabicil Awal 15,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Garashada Nooca Cudurada

Sheekh Jaabir, Herbalist (Q/1aad)

Mawduucan oo ah mid aad u balaadhan waxaan kusoo qaadanaynaa sida ay u kala baxaan ereyada cinwaanka u ah qormadeenan ee ka turjumaya sadexda macno ee ah garasho,nooc,iyo cudur. Hadii aan ku hereeyo garasho wuxuu ina tusaa laba wax oo kala ah garaad iyo garasho,taasi oo marka loo kuur galo aad arkayso in markaaba uu meesha imanayo cilmi,khasabna ay tahay waxa labadaa isku xidhi karaa inuu yahay cilmiga,hadii cilmi la waayana aanay jiri karin wax uu qofku cuskan karo oo uu ku cabiri karo ujeedadiisa fahan ee ku salaysan shay noociis.

Waxaa aan u dooranay garasho ee aan u dooran waynay garaad ogow inay tahay in meesha aan soo galino cilmi iyo aqoon,isagoo kaalinta labaadna uu soo galo garaadku oo loola jeedo maskax.

Anigoo ku dadaalaya inaan hadalka gaabiyo hadii aan taas kuu faahfaahiyay waxaad hada joogtaa cilmiga lagu garto nooca shay uu leeyahay iyo sida uu yahayba,markaa waa in aan hadana wax kaaga sheego waxa loola jeedo nooc, waxaad ogaataa akhristow marka la rabo in la kala saaro laba shay in dariiiqooyinka la maro ay muhiim  kala duwanaanshaha nooc ee xaga midabka iyo kala duwanaanshaha muuqaal ee dherer ama dhumuc,sidaa darteedbaana shaykastaa leeyahay sifihiisa nooc ee guud,waxaana inagu kalifay inaan soo qaadano erayga nooc, waa in la ogaado in cudur kastaa leeyahay nooc uu kaga duwan yahay kuwa kale oo lagu garto.

Akhtistow haatan waxaad fahantay labada kalmadood ee garashada,iyo nooca,ta sedexaad ee cudur waxaa xukuma fahanka labadaas kalmadood ee hore oo si fiican kaaga dhaadhaca,waxaana aan maanta soo qaadanaynaa kala garashada cilmiyeed ee uu leeyahay nooca cudur, waxaana aan tusaale kuugu soo qaadayaa farqiga u dhexeeya xanuunada dhakhtarku daweeyo iyo ka culimadu dabiibto. Inkastoo labada kalmadood ee dawayn iyo dabiib ay isku mid tahay hadana waxaan raacayaa macnaha luuqadeed ee dadkeenu ukala tilmaamaan,waxaana sidaasoo kale iyadna isasoo galaya labada macno ee dhakhtar iyo culimo,hadii wax farqi ah la sheegana waxaa u dhaxeeyaa waa wax yar waayo waxaa labaadaas qolo kulima aqoonta cilmi ee ay wax ku dawaynayaan,dariiqa daawaynta ee ay raacayaan hadii ay kala baydhaan waxaa la rabaa waa in ay suurta gasho ujeeda ka guulaysi ee cudurka. Markaa waxay maanta dhakhaatiir iyo culimo ku kala duwan yihiin aad ayuu u yaryahay. marka uu ninka culimada ahi yahay mid takhasus u leh habka daawaynta balse aanay shaqadiisu ahayn cilmiga kale ee diinta ilayn ninba waxbuu ka shaqeeyaaye,waxaynu odhan karnaa waa dhakhtar.

Sidoo kale waxaa iyadna jira dhakhaatiir aad u taqaan cilmiga diinta oo culimo ah,waxaana taas ka duwan dhakhtarka aan cilmiga diinta aqoon ulahayn,waxaana maanta qormadeenan caafimaadku gabigeedba soo hoos galaysaa sida uu dhaqkhtarku ama sheekha wax dabiibaa u garan lahaa in xanuunkani yahay kii uu shaqadiisa yaqaanay ee uu wax ka qaban karayay iyo inuu yahay xanuun aanu isagu waxba ka qaban karayn,taasina waa aqoon iyo cilmi dheeraad ah oo ay habboon tahay inuu yeesho qofkastoo caafimaadka ka shaqeeyaa, waxaana taasi ay faa'iido ugu jirtaa qofka buka,waxaana maanta qormadan keentay waa asqawga bulshada kaga dhacay inay fahmi waayaan xanuunkan hayaa waxa uu yahay iyadoo aad arkayso inay tani nacsiinayso bulshada isdawnta iyo wax ka qabashada xanuunkooda, kadib markii ay dhinacnaba ku qanci waayeen,iyadoo aad arkayso dad kiniin cunayay mudo oo aan maalin kaliya is odhan bal xanuunkaaga meel kale ku day,ama aad arkayso dad iyaguna mudo cunayay dhir ama ismarinayay,kuwaas oo aad arkayso inay iyaguna aanay maalin kaliya is odhan bal sidan wax ka badala oo dhakhaatiirta aada.

Runtii arrimahani waa kuwo kuyaab galinaya markaad eegto waaqaca ay bulshadeenu maanta kunooshahay,waxaana taas lagaga bixi karaa siyaasada guud ee ku wajahan caafimaadka bulshada oo wax laga badalo,iyadoo sida fiican ee ay maanta kusocotana waliba sare looga sii qaado,hadii ay noqoto isku soo dhawaanshaha bahda caafimaadka ee kala duwan iyo hadii ay noqoto cilmiga barshada caafimaadka bulshada oo sare loo soo qaado,iyadoo wada shaqayntu ay wax ka tari doonto sidii looga bixi lahaa arrimahan iyo kuwo kale oo badan, waxaana la arki doonaa hadii sidaa la yeelo mustaqbalka isha allaah isagoo caafimaadku ka xoroobay ku ganacsiga.

Nooc kasta oo uu cudur yahayba waxaa habboon in la ogaado oo aad loo fahmo wuxuu yahay, taariikhda ay dawa dhaqameedku ku leedahay dhulkeena iyo dadkeena dhexdiisana qofkii fahma wuxuu ogaanayaa inuu jiro mulki iyo hanti balaadhan oo uu rabbigeen ina siiyay oo aan dheernahay bulshooyin badan oo kale oo caalamka ku dhaqan waxaana wax ay agtaada qiimo ku yeeshaan markaad ogtahay. Waxaa maanta nasiib darro ah in la mooganaado dhir badan oo wadankeena hodan ku yahay oo sii dabar go,aysa waxaanan inigoo qormadan dhexdeeda ka faa'iidaysanaya tilmaamayaa in loo damqado dhirtaasi,sida loogu damqaday ee cid waliba uga xuntahay dabar go,a dhirta waawayn ee la xagaafayo,waxaana hadii lasii tilmaamo halis wayn dhirtaas yaryar ee dawada ah ku haya nimanka dhagaxaanta kasoo jabiya buuraha dushooda iyadoo aad arkayso maanta inay buur walba dusheeda dhaawaceen oo xattaa ay gubeen taasi oo caqli xumadooda aanay is odhan buurba mar dhameeya ee ay mid walba dhaawac u gaysteen halkaasna ay ku xaalufiyeen dhir naadir ah caalami ahaan iyo wadan ahaanba iyadoo wadankeena ay ku yaalaan geedo wax tarkoodu ka qaalisan yahay dawa kasta oo wadanka timaada waxaana maanta ceeb noqon lahayd hadii dad khuburo ah la tuso geedaha qaarkood inay noqdaan kuwo dayacan.

Intaas hadii aan kaga baxo taas waxaan halkan kasii amba qaadi doonaa cilmiga lagu garto nooca

cudur ee ay keento DURADU taasi oo loo adeegsado daawaynta cilmi dawo dhaqameed ama diineed ee habkii qadiimiga ahaa iyo kan casriga ah intaba iyadoo aan tilmaami doono isha allaah wixii ay kaga duwan yihiin cudurada kale khaasatan sida uu qofku u dareemi karo inuu buko oo xanuunkiisu yahay ku u baahan dabiib culimo.

 Losoco…..

Sheekh Jaabir, Herbalist (Q/1aad)