Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3197

January 27 2013                                                              Rabicil Awal 15,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Milatariga Iyo Bileyska South Afrika Oo Baadi Goob Ugu Jira 15,000 Yaxaas Oo Beer Lagu Dhaqayey Ka Fakaday

Ciidamada Milatariga iyo Bileyska Koonfur Africa ayaa loogu baaqay inay gurmad ka galaan Kumanaan Yaxaas oo ka baxsaday Beer Lagu Xanaanaynayey Kadib markii Fatahaado Xoog leh ay jabiyeen Xayndaabka Beertii ay ku xaraysnaayeen.Ku dhawaad 15,000 ayaa ka baxsaday Beerta (Rakwena Crocodile Farm) oo ku taala waqooyiga fog ee dalkaasi, Markii Mulkiilaha Yaxaasyadu uu xoog ku furay Albaabka Xayndaabka beertaasi si uu wax uga qabto Roobabka Duufaanta watay.Sida ay wararku sheegayaan tiro ka mid ah Yaxaasyadaasi ayaa dib loo soo qabtay, balse ku dhawaad Qayb ahaan ayaa la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, iyagoo ku fiday dhul fog oo balaadhan.Qaar ka mid ah ayaa laga soo celiyey markii ay galeen goob lagu ciyaaro Rugby oo ku taala Dugsi 120 Kilometre u jiray halkii ay ka baxsadeen.Deegaanka Yaxaasyadani ka fakadeen oo ku yaala gobolka Limpopo ayay ku dhufteen daadad xoog leh oo ay ku dhinteen 10 qof halka tiro intaa ka badana ay ku guryo beeleen.“Tiro yar oo yaxaasyo ah ayaa ku sugnaa Wabiga Limpopo. Lamana Garanyo halka ay ku sugan yihiin Tiro aad u badan” sidaasi waxa yidhi Zane Langman, oo ah Wiilka uu sodoga u yahay ninka Beerta Rakwena Isla Leh.“Qaar badan waanu qabanay markii dad beeralay ahi ay Telefoon noo soo direen oo ay noo sheegeen in Yaxaasyo ay Arkeen. Markii aanu halkaasi tagnayna waanu hareeraynay Yaxaasyadii” ayuu intaasi ku daray.