|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3197 |
January 27 2013 Rabicil Awal 15,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ivory Coast Oo Cagaha La-Dul-Martay Tunisia, Qarkana U Saaran Inay U Gudubto Wareega 8da Ee Koobka Qaramada Afrika Xulka Ivory Coast ayaa qarka u saaran inuu meel sii dhigto wareega 8da ee koobka qaramada Afrika ka dib markii ay 3-0 ku dubteen xulka Tunisia iyagoo 6 dhibcood ku qabtay hogaanka Group D. Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo hal dhinac ah Ivory Coast ayaa iska heysatay qeybtii hore iyagoo abuuray fursado ciidaas ka badan islamarkaana Tunisia ay gashay daafac iyagoo doonayay kaliya kubada counter-attack ah. Xiddiga kooxda Arsenal Gervinho ayaa ku riyaaqaya qaab ciyaareed aad u waangsan, waxaana uu had iyo jeer hanjabaad ku ahaa goolka Tunisia. Isaga ayaana hogaanka u dhiibay Ivory Coast daqiiqadii 22aad markii ay kubad taabasho ah isla ciyaareen Traore isla markaana uu si wacan u dhameystiray isagoo aan fursad siinin goolhayaha Tunisia Cherifia. Qeybtii hore ee ciyaartana sidaas ayaa lagu kala nastay, iyadoo Ivory Coast ay hogaanka u heysay ciyaarta. Xulka ugu cadcad tartankaan ayaana hogaanka sii dheereystay daqiiqadii 87aad markii Yaya Toure uu u labeeyay. Labo daqiiqo ka dib waxaa ciyaarta hurdo u diray Konan oo goolkii seddexaad u dhaliyay xulka Ivory Coast, islamarkaana u sahlay in xulkiisa ay si sahlan kaga talaabsadaan Tunisia. Ivory Coast ayaa xaqiijisan karta u soo bixitaankeeda wareega 8da hadii barbaro ay galaan kulanka soo socda xulalka Algeria iyo Togo, ama hadii kale barbaro ayaa ugu filnaan doonta kulankooda seddexaad ee ay la ciyaarayaan Algeria. Tunisia iyada waxa ay leedahay 3 dhibcood, welina rajo weyn ayay leeyihiin iyagoo kulankooda ugu danbeeya ee group-ka wajihi doona xula Togo. Xulalka Algeria iyo Togo wax dhibic iyaga ma lahan ka hor kulankooda xilli dhow. |