|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3197 |
January 27 2013 Rabicil Awal 15,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Giroud Oo La Celin La’ Yahay Xilli Arsenal Ay Ka Talaabsatay Brighton, Una Gudubtay Wareega 16-ka FA Cup Labo gool uu dhaliyay Olivier Giroud iyo gool soo daahay uu dhaliyay Theo Walcott ayaa ka saaciday kooxda Arsenal in ciyaar ay si fiican u dagaalantay ay 3-2 kaga badiso kooxda heerka labaad ee Brighton wareega afaraad ee FA Cup, waxanaa Gunners ay haatan iska xaadirisay wareega 16ka kooxood. Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay kooxda Brighton daqiiqadii 15aad, iyadoo goolhaye Szczesny uu fursad qaali ah ka badbaadiyay Barnes. Isla daqiiqadii Arsenal ayaa counter-attack sameysay waxaana ay ka faa’ideysteen fursadooda oo hogaanka ayay ciyaarta u qabteen daqiiqadii 16aad, Podolski ayaa kubad u dhigay Olivier Giroud kaasoo isaga si fiican u qaaday kubada islamarkaana si fantastik ah u dabmariyay goolhayaha kooxda heerka labaad. Brighton ayaana u qaatay inay barbareeyeen ciyaarta daqiiqadii 31aad markii qalad sameeyay Andre Santos Alloa ayaana uga faa’ideeyay kooxda heerka labaad balse goolkaas waa la diiday madaama uu offside ahaa. Labo daqiiqo kama soo wareegan markii ay Brighton gool rasmi ah oo ah goolkii barbaraha ay heleen, kubad kooner aheyd oo la soo qaaday ayaa waxaa madaxa la helay Ashley Barnes, kaasoo kooxdiisa u barbareeyay. Waxaana qeybtii hore ay labada kooxood ku kala nasteen barbaro hal iyo hal ah. Arsenal ayaana hogaanka ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 56aad ee qeybtii labaad markii Diaby uu kubad u qaatay Giroud kaasoo kubada lugta ku koontaroolay ka hor inta uusan dabamarin goolhaye Ankergren waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-1 oo hogaanka ay ku qabatay Arsenal mar kale. Waa goolkiisii labaad ee ciyaarta ee uu dhaliyo Giroud oo sidoo kale kulankii ugu danbeeyay ee West Ham sidoo kale labo gool ka dhaliyay, waxaana uu Arsenal haatan u dhaliyay tartamada oo dhan 13 gool. Daqiiqadii 61aad Giroud ayaana ku dhawaaday inuu dhameystirto seddexleydiisa, laakiin waxaa fursadiisa ka badbaadiyay goolhayaha Brighton. Dabaaldegii Arsenal ayaanse wax badan waarin Brighton ayaa mar kale heshay goolka barbaraha daqiiqadii 62aad, karoos qatar ah oo uu keenay Barnes ayaa waxaa madax ku dhaliyay xiddiga reer Argentina Leonardo Ulloa oo ay kulankaan u tahay kulankiisii ugu horeysay ee kooxdiisa cusub. Grioud ayaana fursado kale u abuuray kooxdiisa, isagoo halis ku ahaa goolka hortiisa, laakiin Arsenal ayaa mar seddexaad hogaanka qabatay daqiiqadii 85aad, kooner uu soo tuuray Wilshere ayaa goolhayaha Brighton uusan meel dheer ku bixinin, waxaan kubada helay Theo Walcott kaasoo ka faa’ideystay islamarkaana shabaq dhexdhigay inkastoo ay ku soo dhacday midka ka mid ah ciyaartoyda Brighton. Goolkaas ugu danbeeyay ayaana Arsenal u sahlay inay guusha iyaga raacdo islamarkaana u gudbaan wareega xiga ee koobka FA Cup, Arsenal waxa ay isku diyaarin doontaa haatan kulanka horyaalka ee ay bartamaha isbuucaan la ciyaarayaan kooxda Liverpool. |