|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3198 |
January 28 2013 Rabicil Awal 16,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Dawlada Britain Oo Muwaadiniinteeda Ugu Baaqday Inay Degdeg Uga Baxaan Somaliland Khatar Cusub Oo Hada Ka Soo Shaacbaxday Awgeed London/Hargeysa, January 28, 2013 (Haatuf) – Dawlada Britain ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday inay si degdeg ah uga soo baxaan Somaliland khataro cusub oo hada ka soo shaac baxay dalkaasi Awgeed.Sida lagu sheegay War Murtiyeed shalay ka soo baxay Xafiiska Arimaha Dibada ee dalka UK, kaas oo lagu shaaciyey in Muwaadiniinta Britain ay khatar ugu jiraan afduubyo la xidhiidha arimo dhaqaale, kuwo siyaasadeed ama kuwo Argagixiso oo ay kala kulmaan gudaha Somaliland.Dawlada Britain waxa ay marar badan ku celcelin jirtay in muwaadiniintoodu aanay u socdaalin Somalia, balse dhawaanahan waa markii ugu horaysay ee muwaadiniintoodu uga digto khatar cusub oo hada ka soo shacbaxay Somalialnd.Todobaadkii la soo dhaafay ayaa digniino noocan dignin noocan oo kale ah ayay Britain uga soo saartay in muwaadiniintoodu ay ka baxaan magaalada Benghazi ee dalka Libya. |