Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3198

January 28 2013                                                              Rabicil Awal 16,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xukuumadda S/Land Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Dareenka Britain Kaga Dayrisay Nabadgalyada Dalka, Sheegtay-na Inay  Dabagal Ku Samayn Doonaan Sababihii Keenay

“Waxaanu Beesha Caalamka Iyo Ajanabiga Dalka Ku Noolba U Sheegaynaa In Xukuumadda S/Land Aanay Haynin Wax Mushkilad Ah Ama Dareen Amni Xumo Ama Cabsi La Xidhiidha Nabadgalyada Wadan” Dr. Maxamed C/Laahi

 “Waxaanu Beesha Caalamka Iyo Ajanabiga Dalka Ku Noolba U Sheegaynaa In Xukuumadda S/Land Aanay Haynin Wax Mushkilad Ah Ama Dareen Amni XumoAma Cabsi La Xidhiidha Nabadgalyada Wadan” Dr. Maxamed C/LaahiHargeysa, January 28, 2013 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxba kama jiraan iyo waxaan jirin ku tilmaamay hadal dawladda Ingiriisku kaga dayrisay Nabadgalyada Somaliland, kaas oo sheegay inaanay Somaliland ka jirin wax cabsi ah ama Nabadgalyo daro ah, isla markaana ku dooday inCiidamada Amniga dalku ay ku filan yihiin ilaalinta iyo sugida Amaanka guud ee dalkan.Dr. Maxamed Cumar waxa kale oo uu xusay inay Ixtiraam u hayaan xukuumad ahaa dawladda Britain, isla markaana baadhitaano ay Ciidamada kala duwan ee Amaanka ee dalku ay ku samayn doonaan sababta wakhtigan keentay dhawaaqa xukuumadda London kaga dayrisay Nabadgalyada guud ee Mandaqada oo ay Somaliland-na ku xuseen meelaha Nabadgalyo-daradu ka jirto ee geeska Afrika.Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay Shirjaraa’id oo uu Xalay ku qabtey Xarunta Madaxtooyada, kaas oo uu bulshadda dalka iyo dadka Ajanibiga ah ee dalka ku sugan iyo beesha Caalamkaba u sheegay inaanay wax amni daro ah ama dareeno muujinaya in amaanka wadanku uu xunyahay inaanay haba-yaraatee aanay jirin. Wasiirka isaga oo arimahaas iyo natiijada socdaalo uu ku joogaydalka Ethiopia ka hadlayana, waxa uu yidhi “Waxaan maanta ka imid aniga iyo waftigii ila socday dalka Ethiopia oo sida laga warqabo uu ka socday Shirkii Midawga Afrika ee Sanadlaha ahaa, intii uu shirkaasi socday waxa aniga iyo waftigii ila socdayba noo suura-gashay inaanu la kulano Wafti balaadhan oo ka socday Dawladda Maraykanka. Sida lagawarqabo waxa xidhiidh Aqoonsi dhawaan dhexmaray dawladda Somalia loo dhisay iyo Dawladda Maraykanka, arintaasina sida la ogyahay Somaliland waxay ka curisay dood, isla markaana si aanu arimahaas uga jawaabno waxa aanu la kulanay wafti ka socday dawladda Maraykanka oo aanu ka wada hadalnay xidhiidhkii aanu hore u wada lahayn iyo waxa ay arintaasi ka badalikarto, waxaanay waftigaasi noo sheegeen in intii aanay aqoonsiga u fidinin Somalia inay Madaxwaynaha Somalia kala hadleen in aqoonsigaasi aanu wax saamayn ah ku yeelanin xidhiidhkii iyo wada-shaqayntii ka dhaxaysay Jamhuriyadda Somaliland iyo dalka Maraykanka, haday tahay xidhiidhka xaga horumarka iyo iskaashiga iyo haday siyaasada iyo amniga tahayba”.Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayey kulamo uu Adis-ababa kula yeeshay Wafti ka socday Koonfurta Dalka Suudaan, waxa uu yidhi “Qodobka labaad ee aan doonayo inaan ummadda u soo bandhigo waxa weeyi, waxaanu la kulanay intii aanu joognay shirkaas Waftigii dalka Koonfurta Suudaan uga qaybgalayey Shirka Midawga Afrika, kuwaas oo aanu ka wada-hadalnay wada-hadalo horeba mudo noogu socday oo ku saabsanaa in labada dal ay Xafiisyo Safaarado ah isdhaafsadaan, markaa arintaas oo in mudo ahba qabyo ku ahayd dalka Suudaan oo markii hore kaga cudurdaartay inaanay farsamo ahaan diyaar u ahayn balse Mabdiyan raali ka ahaa. Markaa waxaan bulshadda reer Somaliland gudo iyo dibadba aan u sheegayaa in dalka Koonfurta Suudaan ay ogolaadeen inaanu xafiiska ka furano oo aanuSafiirkii iyo Safaaradii aanu ka furan lahayn Magaalada Juba inaanu hawsheedii galayno sida ugu dhakhsaha badan iyaguna sidaas si la mid ah ay u Hargeysa uga furan doonaan Xafiiskaas oo kale, hase yeeshee dawladda Suudaan inay mudo ku qaadato ayaa laga yaabaa inay Safaarad ka furato Hargeysa sababo farsamo awgood oo badi wadamada kale ee Afrikaba kuma laha wax Safaarado ah. Markaa waxaan bulshadda u sheegayaa inaanu laakiin kala saxeexanay inaanu Safaaradahaas is dhaafsano”.Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Labadaas qodob marka aan ka yimaado waxa kale oo aan jeclahay inaan ka hadlo, fariin maanta nooga timid dawladda Ingiriiska oo Muujinaysa dareen xaga Nabadgalyada ah iyo arimaha guud ee xaga Argagixisada ah, markaa waxa aanu shacbiga Somaliland, Ajanabiga dalka ku nool iyo beesha Caalamkaba aanu u sheegaynaa in xukuumadda Somaliland aanay haynin wax Mushkilad ah amadareen amni xumo ama cabsiba ah oo la xidhiidha nabadgalyada dalkan, run ahaantiina Nabadgalyada Somaliland waa mid sugan oo ku jirta gacanta Ciidamada Qaranka iyo Hay’adaha Amniga dalka, waxaananu u sheegaynaa inaanu kalsooni buuxda ku qabno Nabadgalyada Jamhuuriyada Somaliland hadii ay tahay Xadadkeeda iyo hadii ay tahay gudaha dalkaba”.Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi mar uu ka hadlayey dhawaaqa ka soo yeedhay dawladda Ingriiska iyo sida ay u arkaa xukuumad ahaan, waxa uu yidhi “Dareenkan imika oo aan ka duwanayn dareenka Nabadgalyo xumo ee ka jira Mandaqada ee dawladda Ingiriiska naga soo gaadhayna waanu baadhaynaa oo hay’adaha amniga Somaliland waxay ku samayn doonaan daba-gal iyo baadhitaano xoogan, laakiin waxaan marlabaad ku celinayaa inaanu kalsooni buuxda ku qabno nabadgalyada dalka, waxaananu u sheegaynaa Muwaadiniinta reer Somaliland iyo Ajanibiga iyo beesha caalamkaba inuu dalku yahay dal Nabadgalyo ah oo aanay wax Mushkilad ahi ka jirin”.Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya hadalka dawladda Britain, waxa uu yidhi “Dareenkan ay dawladda Ingiriisku Amniga dalka ka Muujisay maaha mid aanu aaminsanahay anagu Xukuumad ahaan, waxaananu bulshadda caalamka mar kale ugu celinayaa oo aanu u sheegayaa in Nabadgalyo taam ahi ay ka jirto Somaliland oo Ciidamadayada Amnigu ay ku filan yihiin Nabadgalyada dalka, isla markaana haba-yaraatee wax dareen cabsiyeed oo wadankan naga haysaa anaga xukuumad ahaan ma jirto, haseyeeshee waanu ixtiraamaynaa dareenkan xukuumadda Britain ka yimid oo sababta keentayna waxa baadhaya Ciidamadda amniga sida aan horeba u sheegay”.