|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3198 |
January 28 2013 Rabicil Awal 16,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Shir Lagu Minjo Xaabinayo S/Land Oo La Sheegay In Maamul Goboleedka Puntland Ka Abaabulayo Bariga Sanaag Hargeysa, January 28, 2013 (Haatuf) – Magaalada Buraan ee deegaanada bariga Sanaag ayaa la sheegayaa in maamul goboleedka Puntland ay ka qaban-qaabinayaan shir lagu minjo xaabinayo qaranimada Somaliland. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad goob-joog ku ah degmada Dhahar ee bariga Sanaag ayaa sheegay in shir lagu magacaabay aayo ka tashiga beesha Warsan-gali, oo la filayo in 5-ta bisha February 2013-ja lagu qaban doono magaalada Buraan, ay dad taageersan maamul goboleedka Puntland oo ay maal-galinaysaa ay ku doonayso in go’aamo lid ku ah qaranimada Somaliland ay ka soo baxaan. Waxa kale oo ila-wareedyadu intaasi ku darayaan in ujeedada shirkaasi Buraan laga qaban-qaabinaya lagu doonayo in laga soo saaro baaq ay beelaha Warsan-gali ku taageerayaan maamul goboleedka Puntland. Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay daawanayso shirkaasi laga abaabulayo deegaanada bariga Sanaag, iyadoo tibaaxuhuna intaa raaciyay in xukuumadu dheg-jalaq u siin wayday aqoonyahano ka soo jeeda beesha Warsan-gali oo uga soo digay shirkaasi lidka ku ah qaranimada Somaliland ee maamulka Puntland ay maal-galinayaan. |