Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3198

January 28 2013                                                              Rabicil Awal 16,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Haday Kulmiye Is Khilaafayaan Iyo Haday Heshinayaanba Iyagay U Taalaa, Anigu Shakhsiyado Sheegi Maayee Waxa Meesha Jooga Iyo Talada Meesha Taala Ummadu Way Ka Dheregsan Tahay”

Mujaahid Dhagawayne, (Q/ 2aad ee waraysiga)

Hargeysa, January 28. 2013 (Haatuf) – Intiinii akhrisatay cadadkii shalay ee Haatuf, waxaanu idiinku soo gudbay qaybtii koowaad ee waraysigii aanu la yeelanay Mujaahid Ibraahim Cabdillahi Xuseen (dhagawayne), waxaanu idiin soo gudbinaynaa waraysigaasi qaybtii labaad waxaanu u dhacay sidan:-

S: Sideed u aragtaa khilaafka murashaxnimada madaxtinimada ee xisbiga Kilmiye ka dhex qarxay oo qaar ka mid ah hogaanka xisbigu ay warbaahinta kaga hadleen?

J: Anigu Kulmiye kama mid ihi, haddii qolada Kulmiye is khilafayaan iyo haddii ay heshiinayaanba iyagay u taala, balse ummada aqbali mayso in maalin kasta muran ma-dhalaysa iyo qalalaase siyaasadeed lagu jahawareeriyo ummada, aniguna Kulmiye xubin kama ihi.

S: Hogaamiyayaashiinii ururkii Udhis ilaa hada kumaydin biirin saddexda xisbi ee soo baxay, muxuu yahay mawqifkiinu?

J: Anagu waxa dalka ka socdana wsaanu aragnaa waananu ka tashan doona, waxaanuna ku balansanahay inaanu xaaladahan uu dalku ku jiro aanu go’aan degdeg ah ka gaadhno.

S: Xaaladahan ka soo cusboonaaday wada hadaladii Somalia iyo Somaliland iyo mawqifka uu Maraykanku ka istaagay dawlada cusub ee Somalia, oo wasiirada xukuumada Somaliland ay siyaalo kala duwan uga kala hadleen muxuu kuula muuqdaa?

J: Maxay iyagu marka hore doonayaan, shacbiguna sidan u aamusnaan maayo, maalinta ay ka shakiyaan halka masiirkoodii la marinayo wuu ka tashanayaa, dad badan oo hada leh xaaladan dalku ku jiro wada tashi qaran ha layskaga yimaadana way jiraan, xaalada siyaasadeed oo aad u madow ayuu dalku galay, shacbiguna way u bislaadeen xilligan inay wada tashi iskaga yimaadaan xaaladahan mugdiga ah ee uu dalkuku jiro, marka ay dadku isku yimaadaan ayay cadayn doonaan talada dalka lagu badbaadinayo, waraaqihii ay dadku ku codaynayeen ayaa la nabadgalin waayee ma dal iyo dadbaa naf loo jiidayaa marka food dadweyne la xado, meel bani’aadan gaadho oo ka xumi ma jirto.

S: Shaqaaqooyinkii amaan daro ee ka kala dhacay Kalshaale, Ceel-bardaale wali lama xalin oo halkii bay taagan yihiin, xukuumadana eedo ayaa looga soo jeediyay, arrinkaasi maxaad ka leedahay?

J: Meel nabadgalyo daro ka dhacday oo hore loo xaliyay iyo mid hada la xaliyay ma jirto, xilkaasina xukuumadaa u xilsaaran oo laga rabaa inay waajibaadkeeda ka soo baxdo.

S: Madaxweyne Siilanyo waxaa lagu dhaliila masuuliyiinta uu xilalka u magacabayo oo lagu tilmaamo xubno aan khibrad lahayn, oo hogaamintiisa saamayn ku yeeshay, maxaad ka odhan lahayd?

J: Anigu ma doonayo shakhsiyaad inaan sheego, laakiin waxa meesha jooga iyo talada taalaba ummadu si fiican bay u aragtaa ugana dharagsan tahay, war la qabaana xiisa ma leh.

S: Gudoomiyihii ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ee ku hadhay hadhay doorashadii golayaasha deegaanada waxa u sheegay in ururkoodu sii jiri doono, taageerayaashooduna waa kuwii mudaharaadada ku qaadacay natiijadii doorashada, arrinkaasi muxuu kuula muuqdaa?

J: Ururka Xaqsoor codadkiisii waa la boobay, ma urur aan la boobin baa jira codadkiisii, ma doorasho xalaala ayaa dhacday, komishankan oo ay ahayd in la badalana waxa uu Siilaanyo meesha ugu haystaa maalin kastaba  waxaad doonto eed ka       sexeexatid ilayn waa xubno aan sharciyad ku fadhiyine, waxaas oo dhamina meel xun bay ku dambayn doonaan, ururadii horena sharciyad uu ku reebay may jirin, ururadan dambena mid uu daliil sharci u hayaa ma jirto, ummadana waxaan leeyahay talaa idiin eeg, cid kale qabsatayna ma jirto.