Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3198

January 28 2013                                                              Rabicil Awal 16,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Xukuumada Waxaan Leeyahay Siday Xilka U Qaaday Xalaal Ha Ugu Gudato, Shacbiguna Xadgudub Kaga Yimaada Somalia Naftooda Ayay U Hurayaan”

Xildhibaan Aadan Sanqoole

Hargeysa, January 28, 2013 (Haatuf) - Xildhibaan Aadaan Xaaji Diiriye Sanqoole oo ka mid ah golaha wakiilada somalialnd ayaa sheegay in aanay jirin cid badali karta gooni isku taaga madaxbanaanida Somaliland eek u yimid rabitaanka shacbiga Somaliland, Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyahana ugu baaqya in xilka loo doortay ay daacad nimo ku gudato, isagoo intaa ku daray in shacbiga reer Somaliland ay diyaar u yihiin inay naf iyo maalba u huraan xadgudub iyo xuduud fidsi kaga yimaada Somalia. Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey Haatuf, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay wada hadalada Somalia iyo Somaliland iyo hadaladii u dambeeyey ee ka soo yeedhay dawlada Maraykanka, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa nuxur ahaan dastuurka qaranka qaybtiisa koowaad xubintiisa koowaad qodobada 1aad iyo 7aad, xubintiisa saddexaad qodobka 34aad, qaybta shanaad xubinta shanaad qodobka 127aad ee dastuurku waxay adaynayaan in jiritaanka dalka iyo dadka Somaliland madaxbanaanidooda ay shacbigu leeyihiin awooda ugu saraysa iyo inaan cidina wax ka badali Karin qaabdhismeedka Somaliland. Sida aynu wada ognahay laga soo bilaabo 1991-kii maamuladii ugu horeeyey ee ay kala hogaaminayey Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Ibraahim Cigaa, Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadan uu Axmed Siilaanyo hogaaminayo oo aqbalay inay wada hadal la galaan Somalia ka dib markii ay la tashi la yeesheen golayaasha qaranka waxa la yidhi Xamar buu inagu wadaa madaxweyne yaashaa horena sidaas ayuunbaa loo lahaa, hadaba waa yaabe goormay qaranimadeenu noqotay mid si fudud Somalia lagu geeyo, shacbiga reer somalilandna waxaan leeyahay kalsoonidiina ha luminina caalamkana waa in la tuso midnimadeena iyo mawqofka aynu taaganahay, xukuumada waxaan leeyahay xilka aad qaadeen xalaal u gu tuga, wada hadalada socda ee ka furmtay Lancanter, Chatming house iyo Abdu dhabay waa in wixii ka soo baxday ay muuqdaan dhaqangalkoodu labada dhinacba, ururada caalamiga ah iyo dawladaha qaban qaabinayey wadahadalada Somalia iyo Somaliland, waxay reer Somaliland uga marti yihiin inay damanaq qaadaan in nabadgalyada xasilooniya iyo xuduudaha Somaliland faragalinta laga ilaaliyo inta wada hadaladu socdaan, cida xadgudub la timaadana talaabo laga qaado.

Xukuumada Somaliland waa inay wada hadalka aasaas uga dhigtaa oo dawladaha ku hawlan ka codsataa in loo aqoonsato documenti socdaal oo safarada loogu baxayo wada hadalada iyo kaabayaasha bulshada Somaliland u baahan tahay sida caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga dibadeed, koboca dhaqaale. Dadka reer somalialnd waa inay helaan wixii ku xidhi lahaa aduun weynaha nolosha la wadaaga. Dadka reer Somaliland waxay soo mareen dulmi xasuuq iyo dagaal naf iyo maalba sahayday taas oo lagula soo noqday xoriyadoodii sidaa darteed waxay caalamka ku baraarajunayaan ga’aankii ingiriisku qaatay 1947kii in India xoriayda la siiyo laba dalna loo qaybiyo si looga badbaadiyo dhiig badan oo daata iyo dagaal sokeeye.

Reer Somaliland waxya xasuusinayaan uruada caalamiga ha iyo dawladaha caalamka hadalkii caanka ah ee Harlord Macmillan hogaamiyihii dawlada ingiriiska 1957-1963 uu ka jeediyey magaalada Cape Town 1960-gii hadalkaas oo ahaa isbedel dabayleed ayaa ka dhacay qaarada ama aynu jeclaano ama yaynaan jeclaane, sidaa darteed waa in caalamku la jaan qaado gooni isku taaga Somaliland oo aan laga indha qarsan aaya ka tashiga ummada.

Heshiiskani waa kii sababay in jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay dib ugu celiso dawladii talyaanigu dhulkii Somalia ee dawlada Ingiriis qabsatay dagaalkii labaad ee aduunka in dhul badan oo gacanta gumaystaha ku jray la siiyo xornimadooda oo Somaliland ka mid ahayd.

Dadka reer Somaliland waa u diyaar inay naf iyo maalba u huraan kana hortagaan isbalaadhin iyo ku xad gudub xuduudeed oo kaga yimaada Somalia cid kasta ha soo taageerto mahiga iyo qayrkiiye.