|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3198 |
January 28 2013 Rabicil Awal 16,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
School Lagu Tala Galay Dumarka Jecel Raga Hantida Leh Inay Mustaqbal La Wadaagaan Oo Dhawaan Laga Furay Waddanka China Dumarka inay guursadaan nin hanti leh oo dhaqan kara waa qeyb ka mid ah hamiga dumarka, ujeeda hamigooda ka dambaysa ayaa ah sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol tayo leh iyago aan u dhabar adaygin wax shaqo ah. Si ay dumarku u gaadhaan hamigooda ugaarka ah ayaa wadanka China laga furay Iskuul Bishan January ee sanadkan 2013, kaas oo lagu bari doona dumarka dhiganaya sidii ay uguursan lahaayeen rag Hanti leh. Dumarkaan ayaa la bari doonaa habka ay usoo jiidan lahaayeen raga iyo qaabka la isku qurxiyo iyo astaamaha lagu garan karo ninka hantida leh ama ninka aan hantida lahayn, casharada lagu bari doono dumarka schoolkan cusub waxa ka mid ah sida raga loola hadlo iyaga oo deeqsiinaya hadal yar oo kooban, waxaa kaloo ka mid ah casharada ay qaadan doonaan sida ay ku kala garan lahaayeen raga dulqaadka yar ama dabeecada xun. Aasaasaha schoolkan oo lagu magacaabo Shao Tong ayaa sheegay hadafka laga leeyahay Schoolka inuu yahay sidii xaaladaha Dhaqaale ee dumarka loo hormarin lahaa si ay dumarka ugu noolaadan nolol heer sare ah. Mr Shao ayaa sheegay in schoolkani uu ka caawin doono sidii ay u heli lahaayaan dumarka guri ku dhisan barwaaqo iyo in ay helaan nin hantiile ah. Dumarka doonaya in ay wax ka dhigtaan schoolkan ayaa bixin doona lacag gaadhaysa 10,000 dollar. Raga hantida leh ee xiiseeya dumarka schoolkan ka soo baxay ayaa iyagana bixin doona 3,500 doolar markii ay la kulmayaan mid ka mid ah hablaha wax ku soo bartay schoolka. Schoolkan ayaa ilaa hada soo saaray 45 dumar ah kuwaas oo guursaday rag aad hanti u leh taas oo muujinaysa in uu Schoolku gaadho hadafyadii loo asaasay. Hadaba dumarka doonay inay ku noolaadaan nolol hor mar leh ayaa looga fadhiyaa inay wax ka bartaan iskulkaan oo ku yaala dalka China. |