Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3198 |
January 28 2013 Rabicil Awal 16,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Nin Gabadh Uu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaadhi Kuwa Xamuul Ah Ku Weeraray Baabuurtii Galbiska Loo Diyaariyey Booliska Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Andrew Martin Curtis, kadib, markii uu ku kacay fal ku cusub deegankaasi. Andrew Martin Curtis, waxa uu cadho ka qaaday khilaaf soo dhex galay isaga iyo Gabadh uu jeclaa, oo nin kale ka raacday, kadibna waxa uu guddoonsaday inuu Arbusho Xafladda lagu gelbin lahaa Caruusadda isaga ka dan-doorsatay. Ninkaasi, waxa uu gaadhi nooca Xamuulka qaada ah ka soo xaday goob gaadiidka la dhigto oo ku taaalla Deegaanka Midvale, wuxuuna xoog ku soo kaxeeyey gaadhigii oo uu la soo beegsaday Barxadda gaadiidka la dhigto ee Kaniisadda dalkasi ku taalo oo lamaanayaasha isku meherisa, halkaasi oo gaadiidka gelbiska joogeen. Dareewalka Jacaylkiisii la aroosayo waxa uu si ay ka muuqato hinaaso jacayl uu gaadhigii ugu dhuftay gawaadhidii halkaasi taagnayd, ka hor inta aanu goobta ka baxsanin. Andrew Martin Curtis, waxa uu gadhigii weynaa ee uu falkaasi u adeegsaday dib ugu celiyey bartii uu hore uga soo kaxaystay, waxaana markii dambe qabtay Booliska oo dabalgalay ninkaasi. Askari lagu magacaabo Justin Midvale oo ka hawlgala Saldhigga Deegaanka Midvale, oo loo xil-saaray Kiiskaasi, ayaa dhacdadaasi ku faahfaahiyey Wargeyska lagu magcaabo Chicago Tribune, cadadkiisa shalay (January 26th), lagu magacaabo Chicago Tribune, cadadkiisa shalay (January 26th) qaabka uu u dhacay falka uu Ninkaasi ku carqaladeeyey Munaasabadda lagu gelbin lahaa Jacaylkiisa laga guursday. Waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid Mar-la-arag ku noqotay, maadaama intii Askariga uu ahaa aanu marnaba la kulmin dhacdo noocasi ah muddadii uu Booliska ahaa. Eedeysanaha ayaa waxaa la soo taagay Maxkamadda, iyadoo lagu soo oogay fal-dembiyeedka uu geystay, iyadoo Dembiilaha uusan lahayn Laysinka lagu kaxeeyo Gaadiidka Waa Weyn (Third Grade) iyo inuu geystay burbur gaadiid oo lagu qiimeeyey Kun Dollar. Eedeysanaha ayaa waxa uu falkasi u geystay Masayr uu ka qaaday gabadhii uu jeclaa oo horey u diiday inay isaga la hadasho. Hinaasaha noocani ah, ayaa waxa uu qeyb ka yahay masayrka inta badan Lammaanayaasha is-jecel ka dhex dhaca, inkastoo Ragga loogu baahan yahay inay Kal-adeeg yeeshaan haddii ay dhacdadani oo kale buulkiisa soo gasho. Ragga laga baloogo haweenka ay jeclaayeen, waa inay xusuustaan Maahmaahda Soomaalida ee oranaysa;- Naag kun baa kolkoolisa, kowna wey kala baxdaa’. |