|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3198 |
January 28 2013 Rabicil Awal 16,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
South Afrika Iyo Cape Verde Oo U Gudbay Wareega 8-da Ee Qaramada Afrika Iyo Morocco Oo Hadhay South Afrika iyo Cape Verde ayaa si rasmi ah ugu gudbay wareega 8-da ee koobka Qaramada Afrika iyadoo xulka Morocco iyo Anogola ay boorsooyinkooda ka qaateen koobka ka socda South Afrika. South Afrika ayaa ciyaar adag ka dib waxa ay barbaro 2-2 ah la galeen xulka Morocco oo labo jeer intii ay ciyaarta socotay hogaanka qabtay isalamarkaana rajo weyn lahaa. Laakiin goolkii barbaraha oo dhamaadkii ciyaarta ka dhaliyay xiddiga South Afrika Sangweni ayaana dishay rajadooda taas oo ay u sii dheereyd Cape Verde oo 2-1 kaga badisay Angola. Cape Verde ayaana guusha waxaa u gacan geliyay dhamaadkii ciyaarta ciyaaryahan Héldon Ramos oo gool qurux badan u dhaliyay, guushaas ay gaartay ayaana u xaqiijisay in markii ugu horeysay abid ay gaadhaan wareega 8da qaramada Afrika. South Afrika ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group A iyagoo leh 5 dhibcood, halka Cape Verde oo koobka intuusan bilaaban ka hor aan xisaabta lagu darsan ay ku soo baxday kaalinta labaad iyagana ay sidoo kale leeyihiin 5 dhibcood. Morocco kaalinta seddexaad ayay ku dhameysatay wareega group-yada iyagoo leh 3 dhibcood madaama seddexda kulanba ay barbaro galeen, halka Angola ay Group A u hooseyso iyagoo leh haliya hal dhibic. |