|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3198 |
January 28 2013 Rabicil Awal 16,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ciyaartoyda Real Madrid Oo Muujiyay Taageeradooda Kabtan Casillas Kulankii Ay Ka Badiyeen Getafe Ciyaaryahanada Real Madrid ayaa soo bandhigay taageero ay u hayaan goolhayaha dhaawacan Kabtan Iker Casillas kahor kulanka Axada ee kooxda Getafe. Kabtanka Real Madrid ayaa garoomada uga maqnaanaya 12 toddobaad kadib markii qalliin lagu sameeyay suulka uga jabay kulankii Blancos ee Arbacadii la ciyaartay kooxda Valencia. Bogga Twitterka ee kooxda Madrid ayaa lagu sheegay in subaxnimadii Axada in kulanka Ligaha ay ciyaaryahanadeeda xiran doonaan maaliyado lagu taageerayo goolahayaha xulka Spain. Maaliyadaha ay xirnaayeen ciyaaryahanada Real Madrid ayaa waxaa ku daabacnaa “Animo Iker” taasoo micnaheedu yahay “ Si degdeg ah u caafimaad Iker”. Goolhayaha Diego Lopez ee kooxda Sevilla ayuu la soo wareegay Mourinho kadib dhaawaca soo gaaray kabtanka Real Madrid, waxana la fariisiyay kursiga keydka iyadoo Antonio Adan uu ku bilowday garoonka. Maqnaanshaha Casillas ayay kooxda Madrid waxa ay ku tiirsanaan doontaa in goolasha uu u ilaaliyo Adan ama Lopez labada lug ee semifinalka Copa del Rey ee ay la kulmayaan Barcelona iyo labada kulan ee Championka ee wareegga 16ka la ciyaarayaan Manchester United. |