|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3198 |
January 28 2013 Rabicil Awal 16,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
D/Hoose Ee Berbera Oo Bilawday Olole Nadaafadeed Iyo G/Degaanka Cusub Oo La Yimi Dardar Hor Leh Berbera, January 28, 2013 (Haatuf) - Maamulka dawlada Hoose iyo shaqaalahooda oo is kaashanaya ayaa shalay galinkii dambe olole nadaafadeed ka fuliyay magaalada Berbera. Ololahaas oo lagu Nadiifinayey guud ahaanba xashinka, ayuu ka bilaabmay Saldhiga dhexe ee Bileyska Magaalada Berbera, iyadoo sidoo kalena dayac tiro lagu samaynayay dhirta ka baxda Laamayda dhinaceeda oo loo sameeyay biyo qabitino. Taas oo uu halkaasi ku hadlay Warbaahinta iyo hawlwadeenadii ka qayb qaatay nadaafadaasi Gudoomiyaha Golaha degaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (cidin) iyo laba xildhaan oo ka tirsan golaha degaanka Berbera Eng: Maxamed Cali Axmed iyo Maxamuud C/laahi Guleed. Ugu horayn Maayirka oo halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa hadaladiisa oo uu yidhi “Hawshan balaadhan ee galinka danbe na soo celisay waxa weeye in loo shaqeeyo bulshada gobolka Saaxil, waxaan dad weynaha usoo jeedinayaa intii ay maqaaxi ku qayili lahaayeen inay maalintii wakhti siiyaan inay iska nadiifiyaan wajahadahooda, isla markaana ay u iman doonaan gaadiidka dawlada hoose oo ka qaadi doonaan, hadii maalinii laba Kilomitir la nadiifiyo waxa la dhamayn karaa magalada oo dhan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa xildhibaanadan isa soo xilqaamay ee shaqaalaha dawlada Hoose ka barbar shaqaynaya, muwaadiniinta reer Berbera waxaan farayaa inay fadhiga ka yara ka caan oo hor tooda eegan waxa yaala, ha sugina dawlada hoose oo kaliya, dawlada hoose waxa ay gudanaysaa waajibaadkeeda, laakiin wax ha la qabto. Waxa kale oo dadweyenaha reer Berbera u soo jeedinayaa in wax kasta oo bilicda wax yeelaya iska hor qaado sida Iskaraabka, Talaagada xumaaday iyo baabuurta, Hadii uu adiga faa,ido ku leeyahayna iska weeciso, hadii kale marka aanu meesha marayno waanu ka qaadaynaa” Mayirka Caasimada Berbera Cabdishakuur Maxmuud Xasn. Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay laba xildhibaan oo hawsha ka qayb qaadanaayay Xildhibaan Maxamuud C/Laahi Guleed Iyo Eng: Maxed Cali Axmed. |