Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3199

January 29 2013                                                              Rabicil Awal 17,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xildhibaan Nacnac, Waabeeye Iyo Cali Mareexaan Oo Safar Aan Ujeedadiisu Cadayn Ugu Baqoolay UK

Waxa Iyaga Laga Dhaafay 10-kii $ Ee Naasha Rakaabkii Kalena Waa Laga Qaaday

Hargeysa, January 29, 2013 (Haatuf) - Saddexda xildhibaan ee Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye) iyo Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa doraad (27/1/2013) safar aan ujeedadiisu cadayn ugu boqoolay dhinaca dalka Britain.

Sadexda xildhibaan oo xidhiidh dhow la leh Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay haatan ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa halkaas oo la sheegay inay raajicis ugu jiraan Viso ay ka dalbadeen safaarada dalka UK ku leedahay Ethiopia. Waxa kale oo ay Addis Ababa kula kulmeen Wasiirka duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu ka soo noqday safar uu todobaadkii hore ku tagay Kuwait oo ah dalka maalgaliya mashruuc la sheegay in hirgalintiisu socoto oo wax lagaga qabanayo labada Madaar ee ku kala yaala Hargeysa iyo Berbera. Siday dad goobjoog ahaa ay Haatuf u xaqiijiyeen, saddexda xildhibaan ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin ayaa markii ay Axadii ka dhoofayeen Madaarka Berbera laga dhaafay 10-ka dollar ee Naasha iyo Duulista hawadu sida sharci darada ah uga qaataan qof kasta oo madaarada Berbera iyo Hargeysa-ba dalka dibada uga dhoofaya. Rakaabkii kale ee sadexda xildhibaan diyaarada wada raacayeen oo ay ku jireen dad aan qaan-gaadh ahayni ayaa iyaga calaa qof looga qaaday 10-kii dollar ee laga saamaxay sadexdaa Xubnood ee ku jira golaha wakiilada.