Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3199

January 29 2013                                                              Rabicil Awal 17,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore Oo Ka Waramay Go’aanada Ay Ka Qaadan Jireen Marxaladaha Adag Iyo Sida Uu U Arko Talaabooyinka Britain Iyo Maraykanku Qaadeen

Hargeysa, January 28, 2013 (Haatuf) – Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka xogwaramay go’aanadii ay ka qaadan jireen marka Marxalado adag uu galo dalku, kaas oo sheegay inay mudadii ay talada hayeen marka ay la soo gudboonaadaan xaalado culusi ay wada-tashi kula noqon jireen Waxgaradka iyo Aqoonyahanka wadanka, isla markaana ay axsaabta Mucaaridka ahna ay talada ka qaybgalin jireen, kana codsan jireen inay ka taliyaan waxa la yeelayo. Mr Axmed Yuusuf waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu Wargeyska Haatuf kula Yeeshay Hargeysa, kaas oo sidoo kale xusay inaanay Somaliland waxba u noqonaynin talaabooyinka ka dhanka ah ee ay dawladaha Maraykanka iyo Britain qaadeen, kaas oo sheegay in lagaga gudbi karo marxalada adag ee wakhtigan dalku marayo talo guud oo qaybaha kala duwan ee bulshadda la iskugu keeno. Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Xisbigii UDUB ee baaba’ay Mr Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu ka hadlay wada-hadalada dhawaan la filayo inay dalka Ingiriiska uga furmaan Somalia, kaas oo ku taliyey in Ajandaha shirkaas lagu go’aanqaato, isla markaana waxgaradka iyo aqoonyahanka dalka laga dalbado inay gorfeeyaan faa’ido iyo khasaare ka ugu jira Somaliland, tibaaxayna in hadii loo arko inuu khatar inoo leeyahay gabi ahaanba la qaadaco oo aan laga qayb galin. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu ku taliyey inaan khilaafyada dalka ka taagan ee ka dhashay doorashooyinkii deegaanka inaan loo dirin Siyaasiyiin ee loo diro Golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu mudan inay Xaliyaan khilaafyada dalka ka dhaca, kaas oo sidoo kale beelaha ku muransan hogaanka golaha deegaanka ee degmadda Saylac ugu baaqay inay isku tanaasulaan oo ay xaliyaan muranada ka dhexeeya.  Ugu horayna isaga oo ka hadlaya taariikhda Somaliland iyo qaabkii ay 60-kii ugu biirtay Somalia, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ugu horayn waxa aan aad ugu mahadnaqayaa

bahda Wargeyska Haatuf ee isku xilqaamay falanqaynta Marxaladaha dalka ku cusub, mar labaadka hadii aan ka hadlo saamaynta uu Somaliland ku yeelankaro aqoonsiga dalka Maraykanku u fidiyey wakhtigan Somalia, waxaan jeclahay intaanan ka hadal arintaas inaanu ka yar horaysiiyo oo aan baraarujiyo dhalinyarada reer Somaliland, kuwaas oo aan uga yar warami doono sida ay Somaliland siday ku timid? Run ahaantii Somaliland waa dalkii ugu horeeyey ee Xornimada ugu horqaatay dhamaan qaybihii Soomaalida oo dhan 1960-kii, waxaana wakhtigaas jirtey jibo aynu qabnay oo aynu ku doonaynay inay dhisno wixii la isku odhan jiray Shantii Soomaaliyeed oo wakhtigaas Somaliland baa doonaysay Soomaaliwayn, waxaanaynu rabnay inay isku yimaadaan Somaliland, Somalia, Djibouti, NFD iyo Kililka Shanaad ee Ethiopia, markaa wakhtigaas sida runta ah inaga ayaa raadinaynay wixii la odhan Soomaaliwayn ee lagu hungoobay. Soomaaliweyna waxay burburtey 1977-kii oo ah wakhtigii ay Djibouti qaadatey Xornimadeeda, isla markaana ay ka leexatay wadadii ay Somaliland martey oo ay Djibouti aragtey Somaliland oo af Libaax ku jirta ayey ka leexatey arintaas Soomaaliwayn. Markaa dhalinyarada dalka waxaan u sheegayaa inaanu

ahayn 1960-kii dawlad la odhan jiray Somaliland oo wakhtigaas ay aqoonsadeen 33 dawladood oo dunida ka tirsani, markaas Jibadaas ayuun baa na qaaday iyada oo wakhtigaas laga cadhaysnaa dhulkii Raseef Eeriya ee Ingiriisku siiyey dalka Ethiopia. Mida kale bulshada reer Somaliland waxa aan u sheegayaa inaynu qaadanay Calan ay ku xardhan tahay Laa Ilaaha ilalaahu Muxamedow Rasuululaah, markaa waa inaynu ogaanaa inaynu leenahay Calan aan dajin Karin oo aanu siyaasi iyo Ajanabi midna aanu dajin Karin”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya aqoonsiga Maraykanku u fidiyey Somalia iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi “Anigu waxa uu iila muuqdaa aqoonsiga Maraykanku u fidiyey Somalia mid aan waxba la inagu yeeli Karin, hana la ogaado Somalia inay awalba ay ku fadhiday kursiga UN-ka, markaa waxaan u arkaa aqoonsiga wakhtigan la siiyey Somalia inuu yahay mooraal dhis loogu gogol xaadhayaan inay dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab inay kula sii jiraan, laakiin marka horeba Somalia calankeedu wuu sudhnaa Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa”. Axmed Yuusuf Yaasiin mar wax laga waydiiyey go’aanada ay ka qaadan jireen xukuumadoodii marka ay carqalado la soo darsaan, waxaanu yidhi “Waxaan qabaa in Somaliland leedahay Sirdoonka ugu adag geeska Afrika, waxaanan filayaa sidoo kale in hanaankii Sirdoonka ee wakhtigayagiina uu wali sidiisii u dhisan yahay oo waxa sii socda iyo waxa soo socdaba aad ayaa looga warhayn jiray, waxaanan kolay xukuumadda ugu baaqi lahaa inay hadalka ka soo yeedhay Ingriiska inay jawaab cad ka bixiso, iyada oo isticmaalaysa Sirdoonkeeda adag. Anigu waxa aan u malaynayaa hadii aan caqligayga yar isticmaalo in burburkaa ku dhacay Alshabaab ee lagaga xooga roonaaday dagaaladii Somalia ka socday inay xeeladooda u badali doonaan Jabhadayn oo ay kolay ku soo fidayaan meel walba”.  Madaxwayne ku xigeenkii hore ee dalka Axmed Yuusuf Yaasiin mar la waydiiyey sida uu ula muuqdo hadalka dawladda Ingiriiska ka soo yeedhay ee ay Muwaadiniinteeda ku amartey inay degdeg uga soo baxaan Somaliland ayaa isaga oo arintaas ka gaabsaday, waxa uu yidhi “Inaanan ka hadlin arintaas waxaan jeclaan lahaa inaanan ka hordhicin oo ay horta dawladda Somaliland xidhiidho xukuumadda Britain oo ay waydiiso sababaha ku kalifay dhawaaqaas iyo waxa keenayba”. Axmed Yuusuf mar wax laga waydiiyey inuu Siyaasad ahaan axsaabta soo baxday ama kuwii hadhay uu qaar ka mid ah uu taageersan yahay iyo waxa uu ku doorsaday Xisbigii UDUB ee uu guddoomiye ku xigeenka ka ahaa uu meesha ka baxay halka uu niyada ku hayo, waxa uu yidhi “Waxaan anigu hore ugu baaqay markii Xisbigayagii UDUB burburay inaanan Xisbi danbe ku biiraynin oo sharcigu waxa uu ii ogolaanayaa inaan ka mid noqdo Golaha Guurtida oo wixii danta qaranka igaga soo hagaagtana aan badhkayga qabto sida aan hore u sheegay, markaa wax Xisbi ah oo aan wakhtigan ku biirayaa ma jirto laakiin wixii qaranku iiga baahdo waxaan ahay nin qabanaya oo aan hagranaynin”. Guddoomiye ku xigeenkii Xisbigii UDUB ee baaba’ay Axmed Yuusuf mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Xiisada ka taagan degmadda Saylac ee xarunta gobolka Salal, waxa uu yidhi “Arinkaas waxa keenay doorashadii deegaanka oo aad ogaydeen halka aanu anagu ka taagnayn wakhtigii aanu UDUB ahayn oo aanu odhan jirnay xukuumaddan waar ka daaya, hadii kale waxa dib u bilaabmi doona qabilaysi iyo gobolaysi iyo is-nac oo markii aanu sidaas lahayn waxa aanu garanaynay inaanay wax kale soo wadin, sababta oo ahna hadii uu Ilaahay inagu asturay doorashadii ee sanadkii 2000 oo ay saddex Xisbi soo baxeen wakhtigaas, waxaana haboonaa in saddexdaas Xisbi loo sameeyo Sharci balaadhan oo qof walba u ogolaanay inuu iska soo sharaxi karo, laakiin arinka furista ururadu inay dhibaatooyinkaas keenayaan way iska cadayd. Imikana waxaan leeyahay labada beelood ee wada dega Saylac waa laba beelood oo walaalo ah oo

is-dhalay, isla markaana isku ehel ah ee si xigmad ku jirto arinkaas ha loo galo oo doorasho ayaa dhacday ha xumaato ama ha wanaagsanaatee oo doorashadaas dad baa ku soo baxay, isla markaana sida igu maqaalo ah beesha shishe ee Ciise meel adag, markaa inta loo dirayo Siyaasiyiin waa in Guurtida loo diraa oo Guurtidu ay ka soo midho dhaliyaan khilaafka deegaankaas ka taagan.  Mida kale Somaliland xad ma kala laha oo nin dhul ka sheegankara nin kale ma jiraan, laakiin wakhtigii aanu talada dalka haynay marka ay xaaladaha noocaas oo kale ahi nala soo darsaan siyaasiyiin maanaan diri jirine waxa aanu arinta u dayn jirnay Golaha Guurtida oo xaga Nabadgalyada u qabilsan qaranka, markaa iyaga ayuun baa Report-ka dib ugu soo celin jiray xukuumadda. Markaa waxaan u sheegayaa labadaas beelood oo aan leeyahay Ilaahay baa iskiin baday oo dhib iyo dheefba wada qaybsanayee isku tanaasula oo gacmaha is qabsada”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Shirka dhawaan la filayo inuu dalka Ingiriiska uga furmo Somaliland iyo Somalia sida uu u arko, waxaanu yidhi “Shirkaas hore ee London Meeqaam ayeynu ku lahayn Somaliland oo inaga iyo Somalia laba dawladood oo siman ayeynu ahayn oo labadeena dhinacba marti ayeynu ku ahayn

shirkaas,  laakiin hadii ay sida arintu u muuqato ay Somalia shirkan soo socda hagto khatartiisa ayuu leeyahay. Markaa inkasta oo aanan arag Ajandaha shirkaasi hadana waxaan leeyahay xukuumadu ha ka fiirsato oo Ajandaha shirkaas hala sii falanqeeyo oo waliba maaha in arinku kadis ha laga dhigo ee imika arintaas ha la sii bilaabo oo ha la iskugu yeedho dadka waxgaradka iyo aqoonyahanka dalka oo ha la sii gorfeeyo, markaa inaga oo go’aan wada jir ah qaadanay oo ku go’aan qaadanayna inaynu diidno ama aynu ka qaybgalno kolba sida dantu ku jirto aynu u galno arinkaas ayaan ku talin lahaa anigu, mana qurux badna in maalinba Wasiir ka hadlo oo aynu si gooni gooni ah uga hadalno wada-hadalada aynu Somalia la yeelan doono”. Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin mar wax laga waydiiyey inay jiraan meelo uu xukuumadda talada haysa ku saluugsan yahay oo kula talin lahaa inay wax ka badasho qaabka ay u maamulayso, waxa uu yidhi “Wadankeena gabiguusuba waa qabyo, oo waxaan ku odhan karaa Somaliland meeqaamka ay marayso iyo meesha loo baahan yahay inaynu gaadhno wali xataa 50% ka mid ah maynu gaadhin himiladeenii ama xukuumadii hore wakhtigeedii ha ahaado ama imika ha noqotee wax wayn ayaa dhinac walba inooga dhiman, markaa marwalba horta qabyadaasi way jiraysaa oo nin walba iyada oo qabyo ah ayuu ka tagayaa oo mid kale oo halkii ka sii amba qaada ayaa imanaya. Markaa anigu waxaan odhan lahaa wada-tashiga ha lagu dadaalo oo talada dalka ha laga qaybgaliyo cidkasta oo caqli ama aqoon la bidayo sababta oo ah waxaynu nahay dal u baahan aqoonsi oo higsanaya himilo dheer oo waxaynu nahay wadan la doonayo in lagu banjariyo meeldhexe, markaa waxaan leeyahay isku duubnideena ayey ku jirtaa qaranimadeenu ee aynu ummadda isku soo dhawayno ayaan odhan lahaa”.