Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3199

January 29 2013                                                              Rabicil Awal 17,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Sheegay In Xukuumadu Ku Guuldaraysatay In Dawladaha Shakigu Ka Galay Amniga S/Land Ay Ka Qanciso, Shuruudna Ku Xidhay Wada Hadalada Somalia

Hargeysa, January 29, 2013 (Haatuf) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ku tilmaamay amarka dawlada Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland ku fartay inay ka soo baxaan mid naxdin leh oo ka hor imanaysa kalsoonidii beesha caalamku ay ku majeeran jirtay xasiloonida iyo deganaansha muddada dheer ka jirtay Somaliland, waxaanu sheegay in xukuumada Somaliland ay ku guuldaraysatay in dawladaha caalamka ay xogo dhab ah ka siiso xaalada nabadgalyada dalku halka ay marayso. Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay in kalsoonidii beesha caalamku uu ka qabay amniga iyo xasiloonida Somaliland ay soo celiso, isla markaana ay daboosho dhaliilaha looga jeedinayo deegaanada Saylac ee khilaafaadka cakirani ka taagan yahay. Md Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in xisbiga wadani aanu marna aqbali doonin wada hadal ka hooseeya maqaam ah Somaliland iyo Somalia, taas oo uu ku tilmaamay in heshiisu ahaa in Somaliland iyo Somalia ay isku soo hor fadhistaan labada dal oo kala madaxbanaan oo siman. Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay xafiiskiisa ugu waramay wargeyska Haatuf iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kaas oo sidoo kale kaga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo Raysal-wasaaraha cusub ee dalkaasi. Ugu horayna isagoo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi “Fariitaasi ay dawlada Ingiriisku ugu digayso in muwaadiniinteedu ay ka soo baxaan Somaliland, waxaynu ognahay in iskaashi dhinacyo badani inaga dhexeeyey dawlada Ingiriiska ama horumarka ha noqdo ama amniga, labaatankii sano ee u dambeeyay wararka ay ka bixinayeen caalamku ama dalalka jaarku Somaliland, waxay ahayd wadan xasiloon oo nabadi ka jirto, warkaasi wuxuu ka soo horjeedaa wararkii labaatankii  sano ee u dambeeyay laynaga bixinayay, runtiina war lagu farxo maaha waana war laga naxo, laakiin xaalad nabadgalyo daro oo muuqata oo Somaliland maanta ka jirta inooma muuqato, waxay u eegtahay cabsi laga qabo wax soo socda. Waxaan halkan ka gudbinayaa laba fariimood, mid waxaan u gudbinayaa shacbiga Somaliland oo aan ugu baaqayo, waxa laga sii baqay ee maanta in nabadgalyo daro ka jirto Somaliland, waxaase haboon oo waajiba in kalsoonideenii amniga dawladnimo aynu xaqaiijino waajibkaasina waa mid ina wada saaran. Beesha caalamkana waxaan u sheegayaa waxaa noo muuqata in Somaliland ay xasiloon tahay oo amni buuxa iyo nabadgalyo ay ka jirto. Midna xukuumada ayaan u gudbinayaa, xukuumadana waxaa ku waajib ah in xaalada nabadgalyadu gaar ahaan wasaarada arrimaha dibadu ay xog ka siiso halka ay marayso nabadgalyadu, safaaradaha iyo dawladaha aynu xidhiidhka la leenahay waxaad moodaa inuu halkaasi gaabis ku jiro” Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Waxaynu u baahanahay inaynu soo celino kalsoonidii beesha caalamka oo aynu ka saarno baqdinta, maanta nabadgalyo daro dalka kama jirto, laakiin baqdin baa jirta, xaq baanay u leeyihiin, laakiin iyaga laftooda dawlada ingiriiska iyo dawladaha kale ee aynu saaxiibka nahay-ba inay cabsoodaan iyo inay wax dareemaan xaq bay u leeyihiin, laakiin iyaga laftooda waxaan usoo jeedinaynaa intaanay warka faafin oo aanay muwaadiniintooda ugu baaqin inay dalka ka baxaan, in wararka ay helaan ay ka xaqiijiyaan Jamhuuriyada Somaliland cida ku haboon. Shacbigana waxaan leeyahay aynu nabadgalyada waada ilaashano, xukuumadana waxaan leeyahay waa inay cabsida ka saarto dawladaha caalamka iyo inay war xaqiiqo ah oo dhaba siiso ayaa waajib ah” Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya mawqifka xisbigiisa wadani ka taagan yahay wada hadalada Somaliland iyo Somalia la filayo inay dhexmaraan ayaa waxa u yidhi “Waxaa maalmahan la hadal hayay Somaliland iyo Somalia wada hadaladooda, guud ahaan in la wada hadlo, anigoo ku hadlaya gaar ahaan magaca xisbiga wadani mabdi’iyan in la wada hadlo waanu taageersanahay,. Laakiin waxaanu taageersanahay inaanu maqaamka Somaliland marna hoos u dhicin, Somaliland waxay kaga qaybgashay shirkii London in Somaliland iyo Somalia loo wada hadlo, waxaanu ku taageeraynaa oo kaliya marka uu maqaamkaasi halkiisii joogo, maqaam ka hooseeya Somaliland iyo Somalia oo aanu taageeraynaana ma jiro, mushtamaca dawliga ahna sidaas ayaanu u sheegaynaa, waxaanu ku baaqaynaa in xukuumada iyo axsaabta qaranku-ba ay ka yeeshaan wadatashi, laakiin maqaam ka hooseeya kii ay Somaliland kaga qaybgashay wada hadaladii hore ma taageerayno diyaarna uma nihin inta ka hoosaysa, waxaanu u daynaynaa marka uu war rasmi ahi ka soo baxo dawlada Ingiriiska ama dawlada Somaliland.

Mar uu ka hadlayay raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya iyo xidhiidhka dalkaasi waxa uu yidhi “Raysal-wasaaraha Itoobiya waa nin aanu saaxiib nahay, waxaan ku hambalyaynayaa inuu noqdo hogaamiyaha Africa, waxaanu rajaynaynaa in arrinkaasi xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya ay sii xoojin doonto, wax badana aanu ka rajaynayno inuu wax nagala qabto maadaama uu Africa hogaamiye u noqday, Somaliland iyo dalalka kale ee Africa, waxaanan jecelahay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu sii wanaagsanaado oo uu waaro”

Mar aanu waydiinay dadka ku doodaya in muddadii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo hogaanka hayay fashilaadi ku dhacday xasiloonidii dalka marka la eego xiisadaha ka taagan degmada Saylac, waxa uu yidhi “Lama odhan karo Somaliland way fashilantay, laakiin in dhibaatooyin jiraan waynu qiraynaa, waynu ognahay in Sayalc ay dhibaato ka dhacday oo xukuumadu isku dayday inay xaliso nabadgalyada dalka, markaynu eegno waxaan qabaa inaan lagu tilmaami karin xaalad nabadgalyadii faraha ka baxday, laakiin xukuumada markasta waxaa waajiba goldaloolooyin baa la tilmaamayaaye waa inay daboosho ayaa looga baahan yahay” Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shacbigu filayay inuu ka hadli doono arrintan dhiilada ah ee ka soo yeedhay Ingiriisku ka bixiyay xaalada amaanka dalka, ayaan isagu ilaa hada ka hadal, lamana oga asbaabta uu Madaxweynuhu afka uga xidhay.