|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3199 |
January 29 2013 Rabicil Awal 17,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Save The Children Oo 2 Gaadhi Ku Wareejisay Wasaarada Waxbarashada Hargeysa, January 29, 2013 (Haatuf) – Hay’ada Save the Children ayaa shalay laba Gaadhi oo noocoodu yahay Toyota oo Midi Landcruiser yahay ku wareejisay Wasaarada Waxbarashada Somaliland, munaasibada lagu gudoonsiiyay waxbarahada baabuurtaasi oo ka dhacday xarunta wasaarada waxbarashada ayaa deeqdan oo qayb ka ah mashruuca waxbarashada Somaliland ee ay maalgaliso Midawga Yurur, ayaa masuuliyiin ka socday hay’ada Save the Children ay furayaasha baabuurtaasi ku gudoonsiiyeen shalay wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo wax weyn ka tari doona kormeerka waxbarasha dalka. Ugu waxa halkaasi ka hashay Nimco Maxamed Faarax oo ka tirsan Masuuliyiinta hay’ada Save the Children, taas oo ka warantay xidhiidhka wada shaqayneed ee ay wada leeyihiin Wasaarada Waxbarashada iyo sida ay u taageeraan waxbarashada dalkan, isla markaana baabuurtan ay ugu talo galeen adeega waxbarashada inuu qayb ka noqdo. Marwo Nicmo ayaa intaasi ku dartay in Baabuurtani ay Wasaarada waxbarashada ka caawin doonto baahiyaha ka jira ee lagama maarmaanka u ah arrimaha waxbarashada. Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa ugu horayn mahad naq u jeedisay hay’ada Save the Childeran ee baabuurtan ugu deeqday wasaarada, waxaanay sheegtay in deeqdan baabuurta ah ee lagu wareejiyay aanay ahayn tii ugu horaysay, balse ay hay’adaasi ka wasaarad ahaan taageerto hawlaha waxbarashada, isla markaana caawimooyin ka hesho wasaaradu la xidhiidha mashruuca waxbarashada Somaliland ee ay maalgaliso Midawga Yurub, taas darteedna ay mahadnaq uga jeedisay deeqdaha ay ka helaan hay’adaasi. Marwo Samsam waxa ay intaasi ku dartay in Baabuurtan lagu wareejiyey lagu xidhi doonto Lambarka dawlada ee TG-ga, isla markaana waxa ay soo dhaweysay sidan Daah-furnaanta ah ee Bulshada horteeda loogu wareejiyey hantidan oo qaranku yeelan doono wixii hada ka dambeeya wax weyna ka tari doona adeegyada waxbarashada dalka. Dhinaca kale waxa iyaduna isla shalay hal gaadhi oo kale ku wareejisay Wasaarada Waxbarashada hay’ada NRC, sida uu sheegay Khaalid Bile Ciise oo isna shalay ku Wareejiyey Wasiirka Waxbarashada gaadhigaasi oo uu tilmaamay in lagaga shaqayn doono waxbarashada. |