|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3199 |
January 29 2013 Rabicil Awal 17,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
D/Hoose Ee Berbera Oo Ugu Baaqday Shaqaalaheeda Aan Cudur Daarka Ku Maqayni Inay Soo Xaadiraan Berbera, January 29, 2013 (Haatuf) – Dawlada Hoose ee Berbera ayaa ku wargalinaysa Shaqaalaheeda ka diiwanagashan dawlada hoose ee ku jira Payrole-ka inay sida ugu dhakhsaha badan ku soo xaadiraan hadii kalena ay soo sheegaan inay ka maarmeen shada. Sidaasi waxa lagu sheegay qoraal Dawlada Hoose ee Berbera ay soo saartay waxaanu u qornaa sidan. Maamulka dawlada hoose ee Berbera Wuxuu ku wargalinayaa dhamaan shaqaalaha ka diiwaangashan dawlada hoose ee ku jira payroolka, gaar ahaan kuwa ka maqan shaqadoodii, gaar ahaan kuwa aan cudurdaar ku maqnayn waxa la farayaa inay yimaadaan oo ay soo xaadiraan dawlada hoose si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee qaranka iyo degmada ay u hayaan. cid kasta oo ka maarantay shaqadiisana waa inay soo gudbiso warqad shaqo ka tagis ah, iyadoo xiligan uu mushaharkii taagan yahay ka faa’iidayso furada. Allaa Mahad Leh |